X
    Categories: Warar

Taliyaha Booliska Oo Ku Hanjabay In Ay Safaynayaan Isu Soo Baxyada WADDANI

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Guuto, Maxamed Sanqadhi Daba-gale,

Askariga la toogtay iyo Mid dhagax lagu dilayba waxa ka masuul ah guddoomiyaha WADDANI” Taliye Dabagale.

Hargeysa(ANN)-Taliyaha Booliska Somaliland, Sareeye guuto, Maxamed Sanqadhi oo warbaahinta la hadlay goor dhowayd, ayaa sheegay in wixii ay ka digayeen ay dhaceen, wuxuuna sheegay in Guddoomiyaha WADDANi, markii Boolisku ku war geliyeen inay ka joogaan goobta ay xoog ku galeen iyagoo gamcaha is haysta oo ay jiidheen Booliska.


“Isaga (Guddoomiyaha WADDANI) ayaa bilaabay mudaharaadkii oo intay gamcaha is qabsadeen oo saf balaadhan galeen askartiina way jiidheen, askartu iyagoo dhawraya waxa rasaas riday nin isaga la socda oo ah kuwii Ciidanka qaranku u siiyeen ee lagu sharfay inuu amaankiisa ilaaliyo, ayaa rasaas bilaabay wuxuuna toogtay Taliyihii qaybta Bariga ee goobtaa joogay, sidaa ayay gudaha ku galeen isaga iyo dadkiisu, iyadoo sharciga la dhawrayo askartii meesha joogtay ummay jawaabin oo rasaas iyo talaabo kale midna kumay jawaabin, waanu garanaynaa magaciisa waana ala xisabti doonaa, waxa jira askari kale oo dhawac ah oo dhagax lala dhacay oo Cusbitaalka yaal, wixii meesha ka dhacayna waxa ka musuul ah guddoomiyaha WADDANI.” ayuu yidhi, Dabagale.


Taliye Sanqadhi, ayaa sidoo kale ka hadlay baaqa guddoomiye Cirro ugu baaqay taageerayaashiisa inay sii wadaan muddo saddex maalmood ah, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid aan dhacayn oo sidii maanta dhacday aanay waxba u dhacayn, isla markaana wuxuu ugu baaqay dadka in aanay qayb ka noqon mudaharaad aan sharci ahayn, wuxuuna ku hanjabay inay safaynayaan wuxuu ugu yeedhay kuwo nabadgelyaro ka wada dalka.


Sareeye guuto Maxamed dabagale, oo ka jawaabayay sharciga ay u hayaan saraakiisha la xidh-xidhay ee xisbiga WADDANI, ayaa ku dooday in Afhayeenka xisbigu waday falal waxyeelaya amniga, isla markaana sida uu sheegay uu waday kicin, isagoo guubaabinaya dadka magaalada Hargeysa oo ku baaqaya kicin dadweyne.

“Cid walba oo sharcidaro wada xasaanad malaha inanka afahyeenkuna wuxuu ku kacay fal-denbiyeed” ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post