X
    Categories: Warar

Taliska Ciidanka Maraykanka Ee Qaaraddda Afrika Oo Ka Badbaaday Weerrrar Dhanka Al-shabaab Kaga Yimi

Image Copyright Araweelo News Network Al-Shabaab traveling in a car in Somalia April 2016

Araweelo News Network

Muqdisho (ANN)- Taliska ciidammada Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerar qorshaysnaa oo dagaalyahannada kooxda Al-shabaab la maagganaayeen ciidanka Ameerikaanka ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska AFRICOM shalay, ayaa lagu sheegay in ay ka hortageen weerar xoogagga Al-shabaab doonayeen inay ku bartilmaameedsadaan ciidammada Maraykanka ee jooga Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Weerarkaas ayaa la sheegay in Al-shabaab damacsanaayeen inay ku beegsadaan ku dhawaad 50 askari Maraykan ah ciidammada maamulka Muqdisho iyo kuwa AMISOM ka caawiya dagaallada lagu jiro kooxdaas.
โ€œWaxaan ka hortagnay weerar Al-shabaab soo qorsheeyeen oo lala damacsanaa ciidanka Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya,โ€ ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Waxa kaloo warsaxaafadeedka lagu xusayย in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ka fuliyeen gudaha Soomaaliya weerar xagga cirka ah oo lagu dilay saddex sarkaal oo ka tirsanaa Al-shabaab toddobaadkan.
Weerarka diyaaradaha Mareykanku fuliyeen ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey kadib markii la helay xogo ku aaddan in Al-shabaab ay qorsheenayeen weerarro ka dhan ah xoogagga Ameerikaanka ka hawlgala waddanka Soomaaliya ee colaaduhu aafeeyeen.
Kooxda Al-shabaab ayaa weerar khasaare xooggan dhaliyey ku qaaday mid ka mid ah hudheellada waaweyn ee ku yaal magaalada Muqdisho maalintii Axadda ee toddobaadkan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post