X

Taliska Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Taliye Boolis Oo Lagu Dilay Hargeysa

Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, Image Araweelo News Network.

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)-Taliska Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xaqiijiyay dilka Allah ha u  naxarisitee jMarxuum  Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, oo ahaa Taliyihii Saldhiga Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa.

Sarkaalka ayaa xilliga la dilay ku guda jiray shaqadiisa , waxaana dilka gaystay Askari ka tirsan isla Saldhiga Maxamed Mooge , Eedaysanaha ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka, waxaana si degdeg ah loogu horgayn doonaa Maxkamadda Ciidamada, ayaa lagu yidhi, qoraal koobban oo kasoo baxay Taliska Booliska.



Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Taliye Kuxigeennada , Hogaamada iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska JSL waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Ciidamada Booliska JSL, Qoyskii iyo qaraabada marxuumka. Waxayna Allah uga baryeyaan inuu samir iyo iimaan saadiqa inaga wada siiyo, islamarkaana uu janadii Firdowsa ka waraabiyo.

Shabakaddaha Araweelo News Network, ayaa tacsi taa la mid ah u diraya qoyskii, Taliska Booliska Ehelkii iyo dhammaan shacbiga Somaliland, waxayna Allah uga baryayaan marxuumka inuu naxariistii jana fardawsa ka waraabiyo.

Ma u malaynay in saaxiibadaa xiisaynayaan mawduuca Warbixintan? la wadaag oo la sheergaree.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post