X
    Categories: Warar

Taiwan Deeq Waxbarasho Siinay Ardayda Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Dawladda Dalka Taiwan, ayaa fulinaysa qorshaha taageeradii u horaysay ee ay siiso Somaliland, kadib markii ay dhowaan usoo magcawday Lou Chen-hwa, oo noqonaya Wakiilka Taiwan u fadhiya Somaliland.

Wakiilka cusub ee Taiwan usoo magacowday Somaliland oo maalmahan kulamo la lahaa madaxda Somaliland, ayaa kulan uu maanta la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo heshiis is-afgarad oo deeq waxbarasho ah ay wada saxeexdeen wakiilka dalka Taiwan.

Wasiirka iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada waxbarashadda oo kulanka ay la yeesheen Wakiilka dalka Taiwan Ambassador Lou Chen-hwa, ay  ku wehliyeen ku-xigeenkiisa, ayaa  lagaga hadlay iskaashiga labada dhinac ee waxbarashadda, iyada oo si gaar ah diirad loogu saaray sidii ay Taiwan uga caawin lahayd sidii ay u heli lahaayen deeqo waxbarasho oo dalkaas ah Ardeyda reer Somaliland.

Somaliland iyo Taiwan ayaa hore u kala saxeexday heshiis iskaashi oo uu qeyb ka yihiin  waxbarashadda iyo arrimo kale oo ay labada dal iska kaashanayaan, iyadoo durba uu bilaabay wakiilka Taiwan sidii loo fulin lahaa.

Xukuumadda Dalka Taiwan , ayaa dhowaan usoo magcawday wakiilka cusub Somaliland, kaas oo  Hargeysa ka furay xafiiskii u horeeyay ee ay Dawladda Taiwan ku yeelanay Somaliland, iyadoo xukuumadda Somaliland dhankeeda sidaa si la mid ah ka furatay Taiwan xafiis cusub, taas oo daaha ka fayday xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland oo sii xoogaysanayay sannadihii u danbeeyay, isla markaana ka cadhaysiiyay dalka China oo Taiwan u aqoonsan gobol ka mid ah iyo dalal kale oo aan ku farxin xidhiidhka labada dale e qadiyadaha wadaaga.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post