Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Dawladda Dalka Taiwan, ayaa fulinaysa qorshaha taageeradii u horaysay ee ay siiso Somaliland, kadib markii ay dhowaan usoo magcawday Lou Chen-hwa, oo noqonaya Wakiilka Taiwan u fadhiya Somaliland.
Wakiilka cusub ee Taiwan usoo magacowday Somaliland oo maalmahan kulamo la lahaa madaxda Somaliland, ayaa kulan uu maanta la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo heshiis is-afgarad oo deeq waxbarasho ah ay wada saxeexdeen wakiilka dalka Taiwan.
Wasiirka iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada waxbarashadda oo kulanka ay la yeesheen Wakiilka dalka Taiwan Ambassador Lou Chen-hwa, ay ku wehliyeen ku-xigeenkiisa, ayaa lagaga hadlay iskaashiga labada dhinac ee waxbarashadda, iyada oo si gaar ah diirad loogu saaray sidii ay Taiwan uga caawin lahayd sidii ay u heli lahaayen deeqo waxbarasho oo dalkaas ah Ardeyda reer Somaliland.
Somaliland iyo Taiwan ayaa hore u kala saxeexday heshiis iskaashi oo uu qeyb ka yihiin waxbarashadda iyo arrimo kale oo ay labada dal iska kaashanayaan, iyadoo durba uu bilaabay wakiilka Taiwan sidii loo fulin lahaa.
Xukuumadda Dalka Taiwan , ayaa dhowaan usoo magcawday wakiilka cusub Somaliland, kaas oo Hargeysa ka furay xafiiskii u horeeyay ee ay Dawladda Taiwan ku yeelanay Somaliland, iyadoo xukuumadda Somaliland dhankeeda sidaa si la mid ah ka furatay Taiwan xafiis cusub, taas oo daaha ka fayday xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland oo sii xoogaysanayay sannadihii u danbeeyay, isla markaana ka cadhaysiiyay dalka China oo Taiwan u aqoonsan gobol ka mid ah iyo dalal kale oo aan ku farxin xidhiidhka labada dale e qadiyadaha wadaaga.