X
    Categories: Warar

Tahriibayaal Soomaali Ku Jirto Oo Lasoo Badbaadiyay

Araweelo News Network

Roma(ANN)-Tahriibayal inta badan kasoo Jeeda Afrika oo ay ku jiraan Soomaali, ayaa laga soo badbaadiyay Badda Madetereanina-ka. kadib markii uu soo samata bixiyay Markab kuwa gurmadka ah.

Muhaajiriinta lasoo samata bixiyay, ayaa tiradooda lagu sheegay in ay ka  badan yihiin 200,  kuwaa oo  ay kamid yihiin Caruur yar yar, waxaana laga soo badbaadiyay, iyagoo  ku socdaalayay biyaha badda Madetereanina-ka oo kusii Jeeday dhinaca Dalalka Yurub.

Maraakiibta waxbadbaadiya  oo ay la howlgalayeen ururada caafimaadka ee SOS Iyo dhakhaatiurta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa sheegay in muhaajiriintan ay ka yimaadeen 15 dal oo dhaca qaaradda Africa oo Soomaaliya ay kamid tahay.

Tahriibayaasha, ayaa la sheegay in ay ku socdaalayeen doon Blastic  ka sameysan, waxayna kooxaha soo badbaadiyay sheegeen in ay ku jireen  dadka tahriibayay  haween xaamilooyin ah oo Uur leh iyo labo caruur ah oo sagaal bilood jir ah sida ay sheegeen ururka lamagac baxay badbaadada Madeteranian-ka Ee SOS.

Dadka Muhaajiriinta ah, ayaa  la geeyay dalka Talyaaniga, waxaana Dalalka ay u dhasheen ee ay ka yimaadeen lagu sheegay in ay kala yihiin  Somalia, Benin, Eritrea, Ethiopia, Nigeria, Syria and Yemen.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post