Araweelo News Network
Roma(ANN)-Tahriibayal inta badan kasoo Jeeda Afrika oo ay ku jiraan Soomaali, ayaa laga soo badbaadiyay Badda Madetereanina-ka. kadib markii uu soo samata bixiyay Markab kuwa gurmadka ah.
Muhaajiriinta lasoo samata bixiyay, ayaa tiradooda lagu sheegay in ay ka badan yihiin 200, kuwaa oo ay kamid yihiin Caruur yar yar, waxaana laga soo badbaadiyay, iyagoo ku socdaalayay biyaha badda Madetereanina-ka oo kusii Jeeday dhinaca Dalalka Yurub.
Maraakiibta waxbadbaadiya oo ay la howlgalayeen ururada caafimaadka ee SOS Iyo dhakhaatiurta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa sheegay in muhaajiriintan ay ka yimaadeen 15 dal oo dhaca qaaradda Africa oo Soomaaliya ay kamid tahay.
Tahriibayaasha, ayaa la sheegay in ay ku socdaalayeen doon Blastic ka sameysan, waxayna kooxaha soo badbaadiyay sheegeen in ay ku jireen dadka tahriibayay haween xaamilooyin ah oo Uur leh iyo labo caruur ah oo sagaal bilood jir ah sida ay sheegeen ururka lamagac baxay badbaadada Madeteranian-ka Ee SOS.
Dadka Muhaajiriinta ah, ayaa la geeyay dalka Talyaaniga, waxaana Dalalka ay u dhasheen ee ay ka yimaadeen lagu sheegay in ay kala yihiin Somalia, Benin, Eritrea, Ethiopia, Nigeria, Syria and Yemen.