X
    Categories: Warar

Tahriibayaal Markab Ka Afduubay Xeebaha Liibiya Oo U Gudbay Yurub

Malta(ANN)-Dad Muhaajiriin ah, ayaa afduubay Markab Xamuulka qaada oo marayay xeebaha Dalka Libiya.

Waxaana Markabka oo ay afduubeen koox muhaajiriin ah lagu xidhay Dekedda Malta, kadib markii Ciidamadda Malta ay la wareegeen gacan ku hayntiisa, kuwaas oo ka war helay isagoo marayey meel 30 mile u jirta xeebta dalkaa.

Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Talyaaniga ee midigta fog, Matteo Salvini ayaa sheegay in markabka la afduubtay, islamarkaana muhaajiriinta saaran aan loo ogolaan doonin inay soo caga dhigaan Talyaaniga.

“Kabtanka markabka ayaa ku cel-celiyey inuusan gacanta ku hayn maamulka markabka, islamarkaana isaga iyo shaqaalihiisa ay ku qasbeen oo u hanjabeen muhaajiriin doonaya inuu geeyo Malta” ayaa lagu yidhi, bayaan kasoo baxay ciidamada Malta.

Ciidamada Mata oo adeegsanaya doomo dheereeya iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa u gurmaday, kuwaas oo la wareegay hoggaankiisa kadibna u jiheeyey dalkaas.

Markabkan oo lagu magacaabo Elhiblu 1, ayaa saraakiisha Malta sheegeen Inay saaran yihiin 108 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur uu ka qaaday badda, xili uu kusii jeeday xeebta Dalka Libiya ee Tripoli.

Hase yeeshee markii uu lix mile u jiray dekedda ayuu u jihaystay dhinaca waqooyi ee Yurub.

Saraakiisha Booliska Malta ayaa sheegay innay xidheen afar nin oo lagu haysto innay ahaayeen kuwii afduubay markabka, iyagoo xusay in muhaajiriinta kale lagu daad gureeyey Basas.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post