X
    Categories: Warar

Syria: Qaraxyo Lagu Hoobtay Oo Galaaftay Taliyihii Sirdoonka Millateriga Bashaar Al-Asad Iyo Saraakiil Kale

Araweelo News Network

Dhawaca la gurayo goobta qaraxu ka dhacay


Xums-Syria (ANN)- Warar ka imanaya Dalka Suuriya, ayaa sheegaya in ugu yaraan 32 qof ay ku dhinteen laba qarax oo miidaamo ah oo lala beegsaday laba xarumood oo ciidamada nabad gelyadu ku leeyihiin magaalada Xums ee badhtamaha dalka Suuriya.

Wakaaladda wararka Suuriya ee loo soo gaabiyo SANA, ayaa ka soo xigatay Badhasaabka gobolka Xums, Dalaal Al-Baraasi, inuu sheegay in ay sidoo kale shilkaa ku dhaawacmeen 24 qof oo kale, balse waxa jira warar sheegaya in dhaawacu intaa ka badanyahay.

Warar kale oo warbaahinta qaarkeed baahisay ayaa iyaguna tibaaxay in madaxii sirdoonka Millatariga, Jeneraal Xasan Dacbuul iyo Col. Cahad Caabid Muxamed , ay ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkaa, waxaana la tuhusanyahay in ay weerarka soo qaadeen lix qof oo miidamo ahaa.
Xarunta la socodka xad gudubyada xuquuqal insaanka ee Suuriya, oo saldhigeedu yahay Ingiriiska ayaa iyaduna sheegtay in dadka weerrarkaa ku dhintay ay ka badan yihiin 40 qof oo badankoodu ahaayeen ciidamada nabad gelada ee Xukuumadda Bashaar Al-asad.

Ciidamada dawladda Suuriya ayaa gacanta ku hayey magaalada Xums ilaa bishii Diisembar ee 2015-kii oo ay la wareegeen markii ay ka baxeen dableydii mucaaradka ahayd ka dib markii heshiis xabad joogin ah la gaadhay.

Weerarkan haatan dhacay wuxu ku soo beegmay iyadoo ay ka socdaan magaalada Geneva wada hadallo la doonayo in lagu gaadho xal nabadeed oo lagu soo af jaro xiisadda ka taagan dalka Suuriya ee dagaaladu aafeeyeen.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post