X
    Categories: Warar

Suxufiyiin Ka Socday Telefishanka Qaranka Finland Oo La Kulmay Wasiirka Gaadiidka Somaliland


Hargaysa(ANN) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Cabdullaahi Abokkor Cismaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay suxufiyiin ka socda Talefishanka Qaranka ee Dalka Finland.


Sidaana waxa lagu sheegay war-qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska xidhiidhka Warbaahinta u qaabilsan Wasaaradda Gaadiidka, waxaana suxufiyiintaa hogaaminaysay Inka Achte oo ay weliyaan Hanna Karppinen, Tomi Rajala, iyo Sawir qaade Man Tuomo Hutri, waxaana kulanka ay la yeesheen Wasiirka ku weheliyay Agaasimaha Waaxda Gaadiidka Muuse Yuusuf Ibraahim, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Cabdullaahi Samadoon, Madaxa XidhiidhkaWarbaahinta(Communication Officer ) Ismaaciil Cali Axmed.

Socdaalka suxufiyiintaa, ayaa lagu sheegay inuu la xidhiidho sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen horrumarinta dhinaca wadooyinka, isla markaana ay labada dhinac kulankaa ku gorfeeyen sidii ay sidii ay xidhiidh u wada yeelan lahaayeen.


Wasiir Cabdullaahi Abokor oo warbixin ka siiyey xaalada guud ee Dalka gaar ahaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka, waxanay markaa kadib suxufiyiinta ka socday Telefishanka Finland sheegen in ay Wasaaradda kala shaqaynayaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayen adeega uu Wasaaradda siiyo Xafiiska Xidhiidhka (Commmunication Office ) ku una qalabayn lahaayeen, dhanka kale waxay sheegen in ay gacan ka gaysan doonan Wadooyinka Caasimada Hargaysa sidii loogu samayn lahaa calaamadihii hagaysaasha Gaadiidka.

Geba-gebqadii kulankaa Wasiirka Gaadiidka, ayaa uga mahad celiyey Suxufiyiinta ka socda Telefishanka Qaranka Finland, waxaanu soo dhaweeyay kaalmada ay sheegen, iyagoo dhankooda iyaguna u mahad celiyey Wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda ee shirka kala qaybgashay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post