X
    Categories: Warar

Suuqa Ugu Weyn Shidaalka Ee Muqdisho Oo Dab Qabsaday

Mogadishu(ANN)Suuqa ugu weyn dhinaca Shidaalka ee Black Sea oo ku yaal xaafada Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho, ayaa dab qabsaday maanta, waxaana ka dhashay khasaare hantiyeed oo aad u balaadhan.
Wararka qaar, ayaa sheegaya in dabkaa uu sababay kadib markii mid ka mid ah Mishiinada loo adeegsado inay shidaalka ka shubaan Booyadaha uu qarxay, taas oo sababtay dabka oo ku baahay suuqaa, isla markaana saacado baddan ka holcayay halkaa, iyadoo lagu guuldaraystay in la baqtiiyo.
Hase yeeshee Gurmadka gaadiidka dab damiska, ayaa ku guulaystay ugu danbayntii in la baqtiiyo dabkaa oo dhaliyay khasaare hanti baddan oo isugu jira Kaydadkii Shidaalka yaalay goobta, Bakhaaro ay ka buuxaan baddeecado iyo Hantidii taalay oo ku shuf belay dabkaa.
Marar baddan, ayaa suuqayada waaweyn ee Muqdisho sidan oo kale dab khasaare baddan dhaliyaa uga kacaa, iyadoo aan inta baddan lagu guulaysan in hore loo baqtiiyo.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post