Araweelo News Network.

Khartoum(ANN)-Xukuumadda Millateriga ah ee dalka Suudaan, ayaa la tacaalaysa kacdoon shacab oo lagu dalbanayo in xukunka dalka lagu soo celiyo gacanta shacabka, waxaana la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan laba qof, kaddib kumanaan qof oo maanta shaaracyada Khartuum ku muujinayay dalabkooda.

Dibadbaxayaasha, ayaa ku doodaya in lasoo celiyo xukuumaddii rayidka ahayd ee xukunka laga tuuray Isniintii, isla markaana shuruud la’aan lagu soo daayo ra’iisla wasaarihii la xidhay ee hoggaaminayay Cabdallah Xamduu.

Arrintan, ayaa ka danbaysay markii ay Millateriga dalkaa ee xukunka kula wareegay inqilaabka 2019, balse Militariga iyo mas’uuliyiinta xukuumadda ku -meelgaadhka ah, ayaa si wadajir ah wax u maamulayay tan iyo 2019 -kii, markii la afgembiyey Madaxweyne Bashiir kaddib dhawr billood oo mudaaharaadyo waddooyinka  lasoo istaagay ka socdeen dalkaa laba sannadood ka hor.

Hase yeeshee Isniintii lasoo dhaafay ayay mar keliya kala direen Millaterigu xukuumaddii Ra’iisal wasaare Cabdallah Xamduu oo la xidhay isaga iyo siyaasiyiin kale oo ka mid ahaa gollihiisa wasiirrada.

 

 

Gen Abdel Fattah Burhan oo ah hoggaamiyaha Millateriga ee xukunka ka tuuray Madaxweynihii hore Cumar Xasan Al Bashiir, laba sannadood ka hor, ayaa dalka kusoo rogay xaalad deg-deg ah, isla markaana kala diray xukuumaddii rayidka ahayd, waxaana xabsiga la dhigay hoggaamiyayaasha siyaasada.

Hase yeeshee kacdoonada lagu diidan yahay Millateriga awoodda ku inqilaabay dalka iyo caddaadiska beesha Caalamka, ayaa si weyn culus ugu noqday Gen. Burhan, wuxuuna isku deyey in uu soo celiyo ra’iisal wasaaraha xukunka laga tuuray Cabdallah Xamduu oo albaabada u furay wadashaqaynta muddadii ka danbaysay afgenbiga Al-Bashiir ay la lahaayeen beesha Caalamka, laakiin soo jeedinta Gen. Burhan ku doonayay inuu ku dejiyo xiisada guddaha iyo canbaaraynta kaga imanay dunida, waxa ganafka ku dhuftay Xamduu oo diiday shuruudaha ay Millaterigu hordhigeen.

Waxaana mar kale sii socda isu soo baxyada kumanaanka shacabka oo kasoo horjeeda xukuumadda Millateriga ah.

General Burhan, ayaa amar ku bixiyay in awood Millateri loo adeegsado mudaharaadayaasha si loo kala dareeriyo, isagoo ka doodaya in dalka laga badbaadinayo dagaal sokeeye, balse waxay ku hanjabayaan in aannay ku laabanayn guryahooda ilaa la fuliyo dalabkooda.

 

Wararka ka imanaya dalka Suudaan, ayaa ku warama in Ciidamadda millateriga la soo buuxiyay guud ahaan caasimadda iyo magaalooyinka waaweyn ee dalkaa, waxaana la sheegayaa in ay korodhay tirada dhimashada ee mudaharaadyada ka socda dalkaa.

Dhinaca kale, waxaa sii kordhaya canbaaraynta beesha Caalamka ee Millateriga xukunka la wareegay, kuwaas loogu baaqayo in ay xukunka shacabka kusoo celiyaan, isla markaana la abuuro kalsooni iyo deganaansho, maadaama ay cabsi weyn ka jirto sida ay xaaladdu ku danbaynay oo ay Suudaan kusii socoto jidka hubanti la’aanta iyo fowdada, isla marlaana xaaladdu isu bedeli karto dagaalo sokeeye iyo fawdo.

Gollaha Millateriga iyo Heshiiskii Siyaasiyiinta Rayidka

Militariga iyo mas’uuliyiinta xukuumadda ku -meelgaadhka ah, ayaa si wadajir ah wax u maamulayay tan iyo 2019 -kii, markii la afgembiyey Madaxweyne Bashiir kaddib dhawr billood oo mudaaharaadyo waddooyinka  lasoo istaagay ka socdeen dalkaa laba sannadood ka hor.

 

 

Xilligaa waxa jiray Heshiiska awood -qaybsiga ee u dhexeeya millateriga iyo isbahaysiga  la baxay kooxaha  Xoogagga Xorriyadda iyo Isbeddelka ee loo soo gaabiyo (FFC).

 

Golaha Sare ee Millateriga ayaa qorsheeyay in uu dalka xukumo sanad kale,  iyada oo ujeedadu ahayd in la qabto doorashooyin loona gudbo xukunka rayidka.

 

Laakiin heshiiska ayaa had iyo jeer ahaa mid jahawareer leh, iyadoo ay jireen tiro aad u badan oo kooxo siyaasadeed oo iska soo horjeeda iyo kala qeybsanaanta ciidanka dhexdooda, iyadoo dhinaca kale Millateriga dalka Suudaan markii u horaysay taariikhdaa dalkaa oo ah dal Muslim ah heshiis la galay Israel, iyadoo maamulkii Madaxweyne Trump ku khasbay in ay aqbalaan heshiiska Abraham Agreement ee (Abraham Accords Declaration),, kaas oo ay saxeexday jan 2021, iyadoo dalalka Imaaraadka, UAE  oo gadhwadeen ka ahaa mashruuca  ku khasbay dhawr dal oo Muslim ah in ay saxeexaan, iyadoo Suudaan shuruudaha lagu xidhay ay ka mid ahaayeen in laga saarayo Liiska argagixisada, isla markaana laga aadayo cunaqabataynta muddada dheer saarayd ee ka dhalatay martigelintii Al-Bashiir martigeliyay Hoggaamiyhoo Al Qaeda Usama Bin Ladan horraantii sagaashanaadkii.

 

Dalka Suudaan, wixii xilligaa ka danbeeyay wuxuu awooddi waayay  in uu helo nidaam siyaasadeed oo shaqayn kara, waxayna Suudaan tan  iyo markii ay xornimada ka qaadatay Boqortooyadii Midawday ee Biritain 1956 , waajahday inqilaabyo badan iyo isku day afgambi oo qaarkood guulatsyeen kuwo kalena fashilmeen.

Kacdoonka xilligan ee Suudaan, wuxuu kusoo beegmay dhawr bilood kaddib inqilaabyo xukunka lagula wareegayo iyo iskudayo Afgenbi oo ka dhacay dhawr dal oo Afrika ah, kuwaas oo kala ah Chad, Mali iyo Guinea, balse kacdoonka xilligan ka taagan dalka Suudaan ee lagu dalbaanyo in xulunka lagu soo celiyo gacanta bulshada iyo Millateriga awoodda doonaya in ay kusii haystaan ayaan la la ogayn halka uu dalka u jihaysan doono.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com