X

Suldaankii Hormoodka U Ahaa Saldanadaha Ugu Facaweyn Geyiga Soomaalida Oo Geeriyooday

Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqaadir Image File Araweelo News Network, Photo by Arraale M Jaama 2004.

Araweelo News Network.

Suldaankii Hormoodka U Ahaa Saldanadaha Ugu Facaweyn Geyiga Soomaalida Oo Geeriyooday

Hargeysa(ANN)-Allah ha naxariistee waxa maanta Cusbitaalka Haldoor ee Magaalada Hargeysa ku geeriyooday , Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqaadir oo ka mid ahaa saaliinta ugu tunka weyn madax-dhaqameedka Somaliland, isla markaana ahaa saldanadaha ugu faca-weyn geyiga Soomaalidu degto.

Qaar ka mid ah Ehelada Suldaanka ayaa u xaqiijiyay shebekaddaha wararka ee Araweelo News Network, geerida Suldaanka oo murrigo weyn ku ah geyiga Somaliland iyo dhulka Soomaalidu degto, maadaama uu ahaa Suldaan aad looga ixtiraamo dhammaan gobollada Soomaalida.

Allah ha u naxariistee, Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqaadir oo la filayo in maalinta beri aas qaran loogu sameeyo deegaanka Toon oo duleedka Koonfureed ee Magaalada Hargeysa ah 12 Duhurnimo.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqaadir, wuxuu lahaa taariikh dhaqan iyo siyaasadeed, wuxuuna magaciisu ugu faafay masraxyada siyaasada iyo kuwa dhaqanka mudadii uu hoggaaminayay saldanada guunka ah ee uu maanta 12 Feb 2021, ka geeriyooday, waxaynuse ku xusi doonaa qoraalada danbe arrimahaa.

Wixii kasoo kordha geeridiisa halkan ayaan idiinku soo gudbin doonaa insha Allah.

Inaa Lilaah Wa inaa Ilayhi Raajicuun

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post