X
    Categories: Warar

Suldaan Abu Salmaan Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka, Arrimaha Gobolka Sanaag Iyo Xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti

Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu Salmaan). Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Suldaan Axmed Maxamed Col-haye oo ku magaxdheer (Abu Salmaan), isla markaana ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku xilligan marayo, waxaanu weedho waano, tusaale iyo dar-daaran ah u jeediyey Xisbiyada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo khilaaf siyaasadeed oo saamayn ku yeeshay dalka u dhexeeyo.


Suldaan Abu Salmaan oo qaar ka mid ah Saxaafadda kula hadlay maanta magaalada Hargeysa, waxa uu si gaar ah uga hadlay Xaaladda gobolka Sanaag, saamaynta madax-dhaqameedku ku yeesheen muranka siyaasadeed ee Xisbiyada mucaaradka iyo Xukuumadda iyo sidoo kale dedaallada dhex-dhexaadineed ee ay wadaan guddida is-xil-qaantay ee ku dhex-jirta Isu-soo-dhaweynta labada dhinac ee axsaabta mucaaridka iyo xukuumadda Somaliland.

Wuxuu mar uu ka hadlayay arrimaha gobolka Sanaag, sheegay in dadka reer Sanaag walaw aanay dawladnimadu si fiican u gaadhin uu ahaa goblku mid nabdoon, wuxuuna usoo jeediyay inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo wada noolaanshaha.


Sidoo kale waxa uu ka hadlay Goleyaasha Deegaanka ee magaalooyinka Berbera iyo Gabiley oo uu ku amaanay inay muujiyeen wax-qabadkooda oo uu ku tilmaamay inay masuuliyad weyn iska saaraan wax-u-qabashada shacabka ay xilalka u hayaan bulshadda.


Suldaan Abu Salaaman, waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti, isagoo ka sheekeeyay xidhiidhka ka dhexeeya labada bulsho ee Somaliland iyo Djibouti.

Muuqaalkan ka Daawo Hadalka Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu Salmaan).

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post