X
    Categories: Warar

Sucuudiga Oo War Kasoo Saaray Gudashada Xajka Ee Sannadkan

Riyaad(ANN)-Xukuumadda Dalka Boqortooyada Sacuudiga, ayaa ka hadashay xajka sannadkan ee ay naawilayeen inay soo gutaan malaayiin muslimiin ah oo ku dhaqan dacalada dunida, balse xukuumadda Riyaad, waxay sheegtay in dad kooban ay gudanayaan sanandkan 1441 AH, Xajka.

Masuuliyiinta xukuumadda Riyaad, waxay sheegeen in iyagoo ka duulaya cabsida ka dhalatay cuudurka Coronavirus eek u faafay aduunka ay sannadkan joojiyeen dadkii xajka imanayay ee dunida Islaamka kasoo xaji lahaa, taas oo ay sabab uga dhigeen taxadir dhanka caafimaadka ah.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Boqortooyada Sucuudiga dadka loo ogolaaday sanandkan xajka, waxay ku sheegeen in ay yihiin oo keliya, kuwa ku sugan dalka Boqortooyada Sucuudiga gudihiisa, balse aan la ogolayn dadka ka imanaya dalalka kale ee dunida, waxa kale oo ay sheegeen in la sameeyay qorshe ay dadku ku kala fogaynayaan, taasoo dadka ka dhigi doonta inay si nabada u cibaadaystaan inta ay gudanayaan waajibaadka Xajka.

Dalka Sacuudiga ayaa dhaqaale aan la qiyaasi karin sannad walba xilliga xajka ka hela malaayiin qof oo gudanaya waajibaadka Xajka, kuwaas oo dunida dacaladeeda isaga imanayay, waxaana lagu qalaa xoolo dhawr Milyan oo neef.

Balse xukuumadda Sucuudiga go’aanka ay sanandkan kasoo saartay gudashada Xajka, ayaa saamayn ku yeelanay dhaqaalaha dalka, isla markaana waxay meesha ka saaray in muslimiin baddan oo naawilayay inay sanandkan Xajka gutaan aannay u suurta gelayn, marka laga reebo kuwa iyagu xilligan ku sugan dalka Sucuudiga gudihiisa.

Dhinaca kale, Sucuudiga oo ka mid ahaa dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan dunida, balse dhaqaalaha dalku ku dhacayay inta baddan jeebabka qoyska Boqortooyada, ayaa markii uu dunida ka dilaacay xannnuunka Coronavirus, wuxuu si weyn saamayn ugu yeeshay dhaqaalaha dalkaa oo si weyn u ciiray, iyadoo qiimaha Saliida oo laf-dhabar u ahaa dhaqaalaha dalka uu dhulka galay oo gaadhay meelshii ugu hoosaysay taariiklhda inta la xusuusan yahay.

Sidoo kale, dadka loo diiwaangeliyay xannuunka COVID-19, ee dalkaa, ayaa gaadhay inta la ogyahay 161,005 qof, halka tirada dhimashada la xaqiijiyay in ay gaadhay 1,307qof.

 

 

 

 

 

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post