X
    Categories: Warar

Sucuudiga Oo Sii Wada Xasuuqii Shacbiga Yemen Iyo Maraykanka Oo Ka Jawaabay Duqaymaha Sucuudiga

Araweelo News Network

Sanca(ANN)Xukuumadda Qoyska Boqortooyada Sucuudiga ee duulaanka ku qaaday dalka Yemen, ayaa sii wada duqaymaha xasuuqa ah ee lagu hayo dadka shacabka ah ee reer Yamaneed.
Saraakiisha Qaramada Midoobeey ee ku sugan Yaman waxa ay sheegayaan in in ka badan 140 qof ay ku dhinteen duqeyntii shalay ka dhacday Sanca, iyadoo tiro kalena dhaawacyo soo gaadheen.

Duqeynta oo lagu eedeynayo isbeheysiga Sucuudiga uu hogaaminayo, ayaa lala eegtay dad ka qeybgalayay tacsi oo ahaa dad shacab ah, Dadka lala eegtay gantaalka, ayaa u tacsiyeynayay wasiir ka mid ah dowladda Xuutiyiinta oo Aabihii geeriyooday, iyadoo dhowaan ay Xuutitiyiinta oo ay xulufo yihiin Madaxweynihii hore Cali Cabdla Saalax dawlad ka dhiseen dalka Yaman, balse Sucuuiga iyo Xulufadiisa ayaa dawlada Yaman ee sharciga ah u aqoonsan Madaxweyne Cabdiraboo oo dalka Sucuudiga Masaafuris ugu maqan tan iyo markii laga inqilaabay talada laba sanadood ka hor.

Sida uu shaaciyay Iskuduwaha arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobeey ee dalka Yaman, Jamie McGoldrick, shaqaalaha arrimaha gargaarka eek u sugan dalka Yaman, ayaa ka cadhooday duqeynta.
Dhinaca kale Dowladda Mareykanka ayaa duqeynta kaddib sheegtay inay dib u eegeyso ama yareyneyso taageerada ay siiso isbeheysiga Sucuudiga, Balse, Sucuudiga iyo isbeheysigiisa ayaa beeniyay in diyaaradohooda ay duqeeyeen goobta ay tacsida ka socotay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post