X
    Categories: Warar

Sucuudiga Oo Saacado U Qabtay Safaaradda Iran Inay Dalkiisa kaga Baxdo Kadib Xiisada Labada Dhinac

Araweelo News Network

Kumanaan Iranian ah oo weerarray safaaradda Sucuudigu ku leeyaha Thahraan

Riyadh(ANN)Dawlada Sucuudiga, ayaa saacado kooban u qabatay Safaaradda Dalka Iran ku leeyahay Riyath I nay kagabaxdo 48 saacadood. Kadib xiisad ka dhalatay dilka Sheekh Nibri Al Nimri oo ahaa wadaad haystay mad’habta shicada oo caan ka ahaa dalka, kaasoo deldelaad lagu fuliyay I saga 46 qof oo kale todobaakan.

Xiisaddo dublamaasiyadeed oo sii kiciyay xidhiidhka labada dal oo hore muran awooda gobolku ugu dexeeyay iyo mudaharaadyo dad gedoodsani ku weerarreen safaarada Sucuudiga ee Tahran, ayaa sababay in Sucuudigu dalkiisa ka eryo safaaradda dalka Iran.

Hoggaamiyayaasha Iran Ayutulah Ali Khumayni iyo hoggaamyaha xisbulah Hassan Nasrulaah, ayaa si weyn u canbaareeyay dilka shiikh Nubra, waxayna arrintaa ku tilmaameen mid soo dedejinay dhamaadka xukunka Boqortooyadda, iyadoo Ayatulah Khumayni ku hanjabay I nay cawaaqib sun la kulmi doonto.

Hassan Nasulaah, ayaa ku eedeeyay Sucuudiga inay ku abuureen mujtamaca Islaamka kala qaybsanaan iyo dagaalo, isagoo tusaale usoo qaatay Libya, Syria, Iraq, Yemen, dagaalada ka socda.

Sidoo kale xukunka lagu fuliyay sheekh Nimar I yo 46 qof oo kale oo any ku jireen Culimo iyo daaciyiin kale, waxa canbaareeyay qaar baddan oo ka mid ah dawladaha waaweyn ee dunida iyo hay’addo caalami ah.

Iran iyo Sucuudiga oo hore ugu muransaa awoodda gobolka, waxa xidhiidhkooda dublamaasiyadeed sii xumaaday markii ay dawlada Suuudiga oo kaashanay dalalka khaliijka weerartay dalka Yemen, iyadoo labada dhinac kala taageerayaan dhinacyada isku haya awoodda dalka Yemen, waxaana la saadaalinayaa inay xiisadu sii murgiyaan tallaabooyinka ay qaaday Riyadh.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post