Araweelo News Network
Riyadh (ANN)- Boqorka dalka Sucuudiga, ayaa si rasmi ah u saxeexay digreeto lagu ogolaanayo in haweenka Sucuudigu ay Baabuurta ku kaxaysan karaan, amma noqon karaan darawaliin gaadiidka ku si xor ah dalka gudihiisa ugu kaxaysan kara.
.
Sida ay baahisay wakaalada Wararka ee Saudi Press Agency, boqor Salmaan bin Abdulaziz, ayaa amar ku bixiyey in dumarka Sucuudiga loo fasaxo darawalnimada, arrintaas oo markii hore mamnuuc ka ahayd.
Dhinaca kale, Guddi wasiirro ah oo ka tirsan dawladda Sucuudiga, ayaa loo saaray inay ka shaqeeyaan, iskuna soo dubo ridaan qaabka ugu habboon ee dumarka loogu fasaxi karo inay kaxaystaan baabuurta, kuwaasoo laga doonayo inay muddo 30 maalmood ah ku soo gudbiyaan talo-bixintooda khusaysa dumarka dirawaliinta noqonaya.
Sida digreetada Boqorka Sucuudiga lagu sheegay, waxa ogolaanshaha darawalnimada dumarka si rasmi ah loo dhaqan gelin doonaa dhammaabka bisha June ee sannadka 2018, haddii Ilaahay yidhaah, iyadoo lagu salaynayo shareecada islaamka.
Dumarka dalka Sucuudiga ayaa muddo dheer olole ugu jiray sidii loogu ogolaan lahaa inay noqdaan darawaliin baabuurka kaxaysan kara kelidood, iyadoo Haweenay kusoo bandhigay boggeeda Twiterka iyadoo wada gaadhi Xabsiga loo Taxaabay Sannadkii hore, balse dawladda Boqortooyada, ayaa arrintaas hortaagnayd, iyadoo hadda la isla qaatay in dumarku kaxaysan karaan gaadiidka.