X
    Categories: Warar

Sucuudiga Oo Fasaxay Gudashada Cumrada

Araweelo News Network

 

Riyadh(ANN)-Xukuumadda Dalka Boqortooyadda Sacuudiga, ayaa shaacisay in la qaadayo xayirraadii xajka ee Cumrada, waxayna sheegtay in marka la gaadho horraabta bisha Oct 4, 2020, laga bilaabo ay dadku gudan karaan waajibaadka Cumrada.

Sidoo kale, waxay dadka soo cumraysta u pggaalanay in ay galaan Masjidka Nabiga NNKH.

Boqortooyadda Sucuudiga, ayaa sidaa ku sheegtay Bayaan kasoo baxay wasaaraddda arrimaha gudaha ee Sacuudiga.

“iydoo la raacayo talada dhakhaatiirta, lana tixgelinayo baahida ay dadka muslimiinta u qabaan inay soo booqdaan masjidka nabiga NNKH iyo goobaha barakaysan, waxay mas’uuliyiinta Sacuudigu go’aansadeen in muslimiinta loo oggolaado inay gutaan cumrada”.

Hase yeeshe sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee Boqortooyadda Sucuudiga, ayaa sheegay in marka hore loo oggolaanaayo muwaadiniinta iyo dadka deggan Sacuudiga inay tira xaddidan u cimraystaan, markaa kadibna loo wada oggolaan doono musliimiinta kale ee daafaha dunida ka imanaya, si ay u gutaan cumrada.

Xukuumadda Boqortooyadda Sucuudiga, ayaa sannadkii hore joojisay gudashadda Xajka iyo Cumrada, iyadoo sabab uga dhigtay xannuunka dunida saamaynta ku yeeshay ee COVID-19, waxayna arrintaasi sababtay in malaayiin muslimiinta dacalada aduunka isaga iman jiray sannad walba xajka ka baaqdaan gudashada cibaadada Xajka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post