X
    Categories: Warar

Sucuudiga Oo Fadhiliyay Weerar Ay Sheegeen In Uu Ku Waajahnaa Masjidka Barakaysan Ee Maka Al Mukarama

Araweelo News Network

Saudi security forces work at a scene after a bomber blew himself up in Mecca, Saudi Arabia June 23, 2017. (Photo by Reuters)

Maka Al Mukarama(ANN)-Wasaarada arrimah gudaha ee dalka Sacuudiga, ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee dalkaasi ay fashiliyeen waxa ay ugu yeedheen weerar argagixiso Oo loo qorshaynaysay in kooxi ku bartilmaameedsadaan misaajidka barakaysan ee Maka.
Wasaarada arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dhisma uu ku jiray qofka weerarka doonayay in uu fuliyo ay ciidammada hareereeyeen kadibna uu is qarxiyay.
Dhismaha ayaa burburay waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo ay ka mid yiihiin askar booliiska ka tirsan .
Shan qof oo mintidiin ah oo looga shakisan yahay in weerarka ay ku lug leeyihiin ayaa xabsiga loo taxaabay sida ay sheegeen saraakiisha .
Malaayiin qof oo Muslimiin ah oo ka kala timid daafaha caalamka ayaa isugu soo uruuray magaalada Maka dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadaanka si ay u cumreystaan.
Saraakiisha Sacuudiga ma bixin faahfaahin ku aadan weerarkan la fashiliyay.
Sacuudi Carabiya ayaa sanadihii u danmbeeyay waxa soo maray weeraro is xig-xiga oo ay dad ku dhinteen , qaar badan oo ka mid ah weeraradan waxaa sheegataay kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka.
Weeraradaas ayaa waxa inta badan lala bartilmaameedsaday dadka Shiicada ah ee looga tirda badan yahay dalkaasi iyo ciidammada ammaanka.
Bishii July 2016, afar ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday meel u dhaw masaajidka barakaysan ee Madiina .

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post