X
    Categories: Warar

Su’aalaha Laga Weydiiyay Qaabka Loo Maamulay Mashaariic Mad-madaw Baddan Dhaliyay Wasiiro Somaliland Ah Oo Dalka Kenya Dublamasiyiin Iyo Hay’addo Caalami Ah Kulamo Kula Yeeshay

Nairobi(ANN)wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo hoggaaminaya wefdi koox Wasiiro Somaliland ah oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa sheegay inay la kulmeen 33 hay’adood oo isugu jira Safaarado dalalka shisheeye ku leeyihiin Nairobi iyo Hay’addo caalami ah.
Mr. Biixi Yoonis oo warbixin kooban kaga hadlay ujeedada safarkooda iyo cidda ay la kulmeen, ayaa u sheegay Telefishanka Qaranka Somaliland inay mudadii ay joogeen dalka Kanya kulan la yeesheen Safaarado iyo Hay’addo, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “waxaan halkan (Nairobi) u nimi inaan la kulano ilaa 33 safaaradood iyo Hay’addo oo kuwa deeq bixiyayaasha ah ay ku jiraan, kuwaas oo dani naga dhaxayso, waxaan ku faraxsanahay in kulankii si fiican noogu dhacay, waxaan u sharaxnay baahidayada iyo dalku halkuu marayo, xagga siyaasada, wadahadaladii iyo waxyaabo baddan oo ay beesha caalamku xiisaynaysay oo aanu aad uga wadahadalay”.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland wuxuu sheegay in Dalalka ay safaaradahooda la kulmeen ay ka mid yihiin USA, Japan, Norwey, Denmark, Farance, Italia, Canada, isla markaana wuxuu xusuy inay kulan ka yeesheen US AID, Baanka Adduunka iyo Hay’adaha samafalka ee caalamiga ah eek u sugan Nairobi, kuwaas oo sida uu sheegay ay warbixin ka siiyeen xaaladda Somaliland ee xilligan iyo arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale waxa uu sheegay inay xogwaran ka siiyeen wadahadaladii dhowaan fashilmay ee u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia.
Mr. Biixi wuxuu sheegay inay waxyaabaha ay ka wada hadleen Dublamaasiyiinta ay la kulmeen iyo masuuliyiinta is faham ka gaadheen, isagoo carabka ku dhiftay in qaabka ay xukuumadda Somaliland u muulay deeqaha mashaariic uu sheegay in laga wadahadalay laysla fahmay oo ay kulamadoodu ku dhamaadeen guul, balse si gaar ah uma sharixin Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalilamd mashaariicda lagala hadlay kuwa ay yihiin, wuxuuna socdaalkoodu kusoo beegmay, iyadoo farta lagu fiiqayo mad-madaw ka muuqda qaabka loo maamulay mashaariic la doonayay in Somaliland lagu maalgeliyo oo ay wasaaraddaha qaar siyaabo khaldan u maamuleen, isla markaana ujeedooyinkii laga lahaa u muuqdaan kuwo aan sidii la doonayay u midha dhalin.
Dhinaca kale warar la xidhiidha socdaalka wefdiga Somaliland ee Nairobi, ayaa u sheegay shebekada Araweelo News Network, in waxyaabaha wax laga weydiiyay wefdiga wasiirada ay ka mid ahayeen su’aalo laga weydiiyay wasiiradda qaabka loo maamulay mashaariic malaayiin dollar ah oo Somaliland lagu caawiyay,kuwaas oo wasiirada wasaaradahoodu maamulayaan qaarkood la socday wefdiga, iyadoo wasiirada ay ka mid yihiin Wasiirka Beeraha, Deegaanka, wasiirka Qorshaynta qaranka Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi, waxa uu sheegay inay ku qanceen warbixinta ay ka bixiyeen, balse lama ogga xaqiiqda in waxyaabaha laga weydiiyay arrimahaa ay ku qanceen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post