Araweelo News Network.
#Sooraan: Qaabkii ay Saaxiibkii Jawaan isu Heleen Iyo Xilligii Uu Fanka Kusoo Biiray
By Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Hargeysa(ANN)-Allah haw naxariistee Abwaanka Majaajilaysta ah ee magaciisu ku faafay dhawr iyo tobbankii sanadood ee u danbeeyay geyiga Soomaalida Ibraahin Ismaaciil Sugule oo caan ku ahaa magaca Sooraan, ayaa ku geeriyooday 26 May 2021, Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Abwaan Sooraan oo si weyn looga naxay geeridiisa, ayaa muddooyinkii u danbeetyay u jiifay xannuunka Coronavirus (COVID-19), sida ay u sheegen Eheladiisa Dhakhaaiirtsa, waxa lagu arkay xannuunka kadib markii ay dhowaan isaga iyo saaxiibkii Ciise Jawaan, kasoo laabteen dalka Djibouti, halkaas oo ay u tageen hawlaha fanka ee mihnadooda.
Allah ha u naxariistee Abwaan Sooraan, wuxuu geeriyooday iyadoo malaayiin Bulshada Soomaalidu ku raaxaystaan jilaanimadiisa isaga iyo saaxiibkii Ciise Cabdi Ismaaciil (Jawaan) ee ay mataanaha ku ahaayeen, wuxuu mar la weydiiyay xilliga uu fanka kusoo biiray iyo halka uu kasoo bilaabay qaabkii uu kusoo galay, kooxdii uu ka tirsanaa iyo xilligii aannay burburin dawladdii Soomaaliya kaalinta uu ku lahaa fanka iyo halka uu kaga jiray.
Su’aalahaa iyo kuwo kale oo la xidhiidha qaabkii ay markii danbe isu barteen mataankiisa Ciise Jawaan iyo riwaayadihii uu ka qayb qaatay iyo arrimo kale wuxuu kaga jawaabay marar kala duwan oo wax laga weydiiyay geeridiisa ka hor.
Magaca Sooraan oo la weydiiyay sida uu ugu baxay, wuxuu sheegay in magaca “Sooraan” uu la jaanqaaday yaraantiisii, balse uu rumaysanyahay in dhuubnaan loogu bixiyay isagoo yar, sidoo kale mar la weydiiyay in ay masraxa isku soo gaadheen Cabdullaahi Diiriye Sooraan, wuxuuna isagoo arrintaa ka jawaabaya yidhi, “Masraxa waanu isku soo gaadhnay isagu wuxuu ahaa Cabdullaahi Diiriye Sooraan Abwaan weyn oo riwaayado samayn jiray, laakiin anigu markaa anigoo riwaayadaha wax ka jila ayaanu isku soo gaadhnay, marka Oggaysiiska “Iidhehda” lasii deynayo Aniga Sooraan yare ayaa lay raacin jiray.” Ayuu yidhi, Ibraahin Ismaaciil Sugule oo caan ku ahaa magaca Sooraan, isagoo ka jawaabaya su’aalo lagu weydiiyay Barnaamijka Hobolka ee Telefishanka Horn Cable Tv 2017.
Sooraan: Abwaan Majaajilayste Magaciisu Ku Faafay Geyiga Soomaalida Oo Geeridiisa Laga Naxay Iyo Madaxda Soomaaliya Oo Ka Murugootay
Sidoo kale, wuxuu sheegay in aannay muddo dheer Masraxa kusii wada jirin isaga iyo Abwaankii weynaa Allah haw naxariistee Cabdullaahi Diiriye Sooraan, isagoo ka jawaabayay in ay jireen riwaayado uu qayb ka ahaa jilistooda, wuxuuna mar la weydiiyay kuwa ay ahaayeen riwaayadahaas iyo xiisaha ay lahaayeen, wuxuu yidhi, “Xilligii fankii hore ma badnayn riwaayadaha aan ka qaybqaatay jilistooda, macaankooda iyo xarakaadkooda qofka jilayaa ma garanayo ee dadka daawanaya ayaa garanaya, sadex riwaayadood ayaan ka qayb qaatay xilligii fankii hore, marka lag reebo majaajilooyin iyo goo-goos, waxayna sadexda riwaayadood ahaayeen “Yaw walqalay Waqtiga”, Deeq Ilaah iyo Jacayl Daacad ah” iyo Isa seega Jacaylka.”
Abwaan Sooraan, waxa la weydiiyay heeso uu sameeyay “Hiyeeleeleey Hiyee” iyo saarkii duleedow soo degee, labadaa ayaan wax murti ah leeyahay ayuu yidhi, labadaana habeen ayaan wada smeeyey ayuu raaciyay, balse wuxuu xusay xilligii Telefishanka Horn Cable dhiirigeliyay fanka uu hees isla soo taagay masraxa, “weligay habeenkaa ayaan hees masrax isla soo taagay,” ayuu yidhi, Abwaan Ibraahin Ismaaciil Sugule oo caan ku ahaa magaca Sooraan, isagoo ka jawaabaya su’aalo lagu weydiiyay Barnaamijka Hobolka ee Telefishanka Horn Cable Tv 2017.
Weriye Fahiimaha Yaasiin Muuse oo daadihinaysay Barnaamijka ayaa Sooraan wax ka weydiisay Saaxiibkii Jawaan, wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa Jilaa aan is ogayn, isla markaana sidaa ay isku barteen sannadii 2003, wixii maalintaa ka danbeeyayna ay masraxa ugu midoobeenoo sidaa u wada socdeen. Mar uu ka jawaabayay Abwaan Sooraan in ay jirto hees ay wada sameeyeen, wuxuu sheegay in Hees ay warbaahinta ku dardaarayaan oo fanaanada Ubax Faamo qaado ay wada sameeyeen.
Fankii hore ayuu ku tilmaamay mid qiime badan lahaa oo aan dib usoo marayn bulshada Soomaalida, “fursada xilligan ee fanka aannu kusoo baxnay waxay noqonaysaa meel aar ka kacay atoor fadhiisay” sababtoo ah fankii hore waxa hagayay dad xiddigo ah, abwaano jilayaal iyo majaajilaystayaal, markaa haday joogaan fanka kuma soo baxeen, maha aha dadkaa xiddigaha fanka ahaa in ay dib usoo marayaan masraxa Bulshada Soomaalida.”
Abwaan Sooraan wuxuu sheegay in ujeedada ay wax u sameeyeen isaga iyo saaxiibkii Ciise Cabdi Ismaaciill (Jawaan) aannay ahayn in ay dadka ka qosliyaan, balse waxa ay sameeyaan uga jeedaan in ay wacyigelin dadku u qaataan, sidaa awgeed ay dadku waxyaabahaa wacyigelintaa kala baxaan qosol.
Dhinaca kale, Sooraan wuxuu sheegay in uu fanka kusoo biiray 1979, isagoo ka mid ahaa koox la dohan jiray Somali Abow “Bakake”, balse markii la gaadhay sideetanaadkii ay kooxdii noqtay Koox weyn oo la baxday “Dur-Dur”, isagoo sheegay in kooxdaa uu ka ahaa Jilaa, laakiin aanu heesaa iyo mu-alif ka ahayn, balse xilliyadaa ninkii kooxda haystay ku yidhi, “waxaad samayn kartaa heeso,” Abwaan Sooraan wuxuu sidaa ku sheegay Barnaamij Telefishanka Bulsho lagu waraystay isaga iyo saaxiibkii Jawaan
Barnaamijkaa oo ka baxay Telefishanka Bulsho, wuxuu Weriye Mustafe Sh. Cumar Geedi ku weydiiyay Abwaan Sooraan, taariikhdiisa xilliga uu fanka kusoo biiray waxa uu sheegay inuu markaa bilaabay saar woqooyi oo Baararka lagaga heesi jiray. Sidaana uu fanka hore ugu sii socday, balse markii danbe ay dhamaan burbureen kooxihii markii ay Soomalaiya duntay oo fankiina sidaa ku burburay.
Sidiiq Maxamed Burmad oo ah weriyaha BBC ee Somaliland, ayaa ku tilmaamay Abwaan Sooraan inuu ku fooganaa riwaayado si gaar ah Allah hibo ugu siiyay si uu dadkiisa wacyigooda wax uga bedelo, wuxuu sheegay in ku dhowaad 5o riwaayadood uu sameeyay, isagoo dhinaca kale xusay in muddadii u danbaysay ay saaxiibo dhow ahaayeen, siidaa awgeed uu wax badan ka oggaaday Abwaan Sooraan iyo sida uu ugu heelaana is bedel dhanka wacyiga ah oo bulshadiisa uu ku sameeyo.
“Wuxuu ahaa Jilaa ka mid ah kuwa ugu caansan geyiga Soomaalida, laakiin ma ahayn Jilaa keoya ee Abwaan Sooraan, wuxuu ahaa shaqsi isku darsaday hibooyin kala duwan, sida Hal-abuurnimada,, Gabayga, Midhaha, Qorista Riwaayadaha iyo jilista riwaatadaha oo weliba lagu tilmaamo ama uu ahaa qofka ugu hibada wanaagsan jilista riwaayadaha. , Allah haw naxariistee ilaa 50 riwaayadood oo uu sameeyay badi waxay yihiin wacyigelin bulshada wax ka taray, si uu usoo bandhigo qaladaad uu arko in loo baahanyahay in wax laga bedelo, wuxuu hayay hawl weyn dhan oo ahayd midii ay masuuliyadi ka saaranaan lahayd, Dawladdo, Hay’addo iyo warbaahinta, mana jirto riwaayad uu qosol ugu sameeyay bulshada, balse ujeedada uu ka lahaa ahayd in uu garaadka ummada iyo wacyiga Bulshada wax ka bedelo, sida uu ii sheegay, ayuu yidhi, Weriye Sidiiq Burmad.
Waxa kale oo uu sheegay in Abwaan Sooraan ahaa qof cibaadada ku fiican oo shaqsiyad wanaagsan,, oo akhlaaq wanaagsan, wuxuuna ifka kaga tegey Afar Caruur ah oo saddex ka mid ah uu dhalay, midna awoowe u ahaa.” ayuu yidhi, Sidiiq Maxamed Burmad oo Telefishanka BBC-da uga waramayay aqoontii uu Marxuum Sooraan u lahaa.
Allah haw naxariistee Abwaan Iraarin Ismaaciil Sooraan iyo saaxiibkii Ciise Jawaab ayaa dhawr iyo tobankii sanadood ee u danbeetyay magacyadoodu ku faafeen geyiga Soomaalida, waxay noqdeen jilayaal si weyn loogu xiiso oo loo jecelyahay, iyagoo barnaamijyo wacyigelin ah si weyn ugu faafiyay dadka Afsoomaaliga ku hadla.
By Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Email: jaamac132@gmail.com