X

#Sooraan: Abwaan Majaajilayste Magaciisu Ku Faafay Geyiga Soomaalida Oo Geeridiisa Laga Naxay Iyo Madaxda Soomaaliya Oo Ka Murugootay

Abwaan Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan). Image file Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

“#Abwaan Sooraan wuxuu ahaa haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey wacyi-gelinta bulshada iyo kobcinta garaadka da’yarta Somaaliyeed,” Madaxweyne Faraamo.

Hargeysa(ANN)-Allah haw naxariistee Abwaanka Majaajilaysta ah ee magaciisu ku faafay dhawr iyo tobbankii sanadood ee u danbeeyay geyiga Soomaalida Ibraahin Ismaaciil Sugule oo caan ku ahaa magaca Sooraan, ayaa ku geeriyooday maanta Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

 

Abwaan Sooraan oo si weyn looga naxay geeridiisa, ayaa muddooyinkii u danbeetyay u jiifay xannuunka Coronavirus oo lagu arkay kadib markii ay dhowaan isaga iyo saaxiibkii kasoo laabteen dalka Djiobouti, halkaas oo ay u tageen hawlaha fanka ee mihnadooda.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed cabdullaahi Maxamed farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku tilmaamay geerida Abwaan Ibraahin Sooraan mid xannuun badan oo murrigo ku ah Bulshada Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu qoraal uu kaga hadlay geerida Abwaan Sooraan ku sheegay in Marxuum Sooraan Ibraahin Ismaaciil uu kamid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan

Qoraalka Madaxweyne Farmaajo, wuxuu ku sheegay in ay Tacsi u dirayaan Qoyskii, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Abwaan Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan).

“Abwaanku Allah ha u naxariistee, waxa uu ka mid ahaa haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey wacyi-gelinta bulshada iyo kobcinta garaadka da’yarta Somaaliyeed, isagoo waqtigiisii iyo hibadiisii faneed u huray sidii uu dadkeenna uga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinka qabyaaladda, musuqmaasuqa, cooladdaha sokeeye, adeegsiga maandooriyaha iyo xaalufinta deegaanka.”

Allah waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo imaanna uu ka siiyo qoyskiisa, bahda fanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yidhi, Qoraalka uu kaga hadlay geerida Abwaan Sooraan, Madaxweyne Farmaajo.

 

Sidoo kale, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku tilmaamay geerida Abwaan Ibraahin Ismaaciil Sooraan Ilaah ha u naxariistee ahaa abwaan Soomaaliyeed oo caan ahaa, sidoo kale ahaa jilaa si weyn loo jecel yahay ayuu ahaa “ Ibraahin Ismaaciil Sugule Sooraan.”

 

Ra’iisal wasaare Rooble, wuxuu sidaa ku sheegay qoraal xanbaarsan murrugo oo uu kaga hadlay geerida Abwaanka, isagoo sheegay in uu ahaa Sooraan hal abuur si weyn uga qeyb qaatay wacyi gelinta bulshada Soomaaliyeed.

“Eebbe ha u naxariisto Hal abuurkii, fannnaankii iyo jilaagii weynaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle oo ku geeriyooday Burco, Sooraan waxa uu ka mid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin Xambaarsan” ayuu ku yidhi, Ra’iisal wasaare Rooble qoraalkiisa.

 

Geerida Ilaah ha u naxariistee Abwaan Sooraan oo si weyn looga naxay geyga Soomaalida, waxaa sidoo kale ka hadlay qorayaal, abwaano iyo hal-anuuro caan ah, waxaana la filayaa in si weyn loo maamuuso aaskiisa.

Bahda Shebekada Araweelo News Network, waxay murugada geerida Abwaan Ibraahin Ismaaciil Sugule oo caan ku ahaa magaca Sooraan kala simantahay Bulshada Soomaaliyeed, waxayna ka tacsiyaynaysaa Qoyskii Ehelkii, Asaxaabtii, Bahda Fanka, Bulshadii Jeclayd eek u raaxaysan jirtay majaajilooyinkiisa iyo cid walba oo geeridiisu damaqaday, waxayna Allah uga baryataan in Maraxmuux Ibraahin Ismaaciil Sugule “Sooraan” Allah u furo raxmadiisa oo Janafardawsa ugu deeqo. Aamiin Aamiin Aamiin.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post