X
    Categories: Warar

Soomaaliya Tirada Xannuunka Coronavirus Oo Kor U Socota

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Federaalka ee Soomalaiya, Foosiya Abubak, Araweelo News Network, 16 March 2020.

Muqdisho(ANN)-Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay si xawli ah u korodhay tirada kiisaska dadka laga helay cuddurka Coronavirus. Sidaana waxa maanta shaacisay Wasiirka Caafimaadka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Foosiya Abubakar Nuur.

Marwo Foosiya Abubakar, iyadoo ka hadlaysa warbixinta maalinlaha ah ee xaaladda Coronavirus, ayay sheegtay in 48-kii saacadood ee ugu dambeeyey gudaha Soomaaliya laga helay 69 kiis oo cususb, kuwaas oo la oggaaday in ay qabaan kadib baadhitaano lagu sameeyay dad looga shakiyay in ay qabaan xanuunka COVID-19.

Mar ay ka hadlaysay Wasiirka Caafimaadka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Foosiya Abubakar Nuur dakaasi meelaha ay kala joogaan, waxay sheegtay in laga helay Gobolka Banaadir 39, waxayna tirada ku darsatay Jahmuuriyadda Somaliland dadka laga helay xanuunkaa oo maalin walba Wasaaradda Caafimaadka Somaliland shaaciso, iyadoo ku xustay liiska ay shaacisay11 qof, kuwaas oo Agaasimaha wasaaradda Caafimadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye maanta shaaciyay in ay yihiin kiisas cusub, halka uu xusay in dhimashada uu kusoo kordhay hal qof, kaas oo tirada dhimashada dhanka Somaliland ka dhigaya qofkii Afraad.

Dhinaca kale waxay sheegtay in laga helay 11 qof, maamul goboleedka Soomaaliya ee  Puntland 8 qof, Koonfur Galbeed 8 qof, Hirahsbeelle 2 qof iyo Galmudug oo 1 qof ah, 4 qofna ay u dhinteen.

Waxay sheegtay in dadka laga helay xannuunka ee bukaanada qaba cuddurka 48 ka mid ah ay  rag yihiin, halka ay 21 ka mid ah ay haween yihiin.

Arrintan ayay sheegtay in ay tirada guud ee dadka laga helay Coronavirus ee geyiga Soomaaliya ayaa haatan gaadhay 997, iyadoo dhanka kale xustay in cuddurka ilaa iyo hadda dalka Soomaaliya ay ugu dhinteen sida ay sheegtay 48 qof, halka ay 110 qofna cudurka ay ka bogsadeen.

Marwo Foosiya Abubakar Nuur, waxay bulshada ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad ee ay soo jeedinayaan khubarada caafimaadka ee takhasuska u leh xannuunada faafa si loo yareeyo khatarta cuddurka safmarka ah ee Coronavirus.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post