X
    Categories: Warar

Soomaaliya Tirada Coronavirus Oo Kor U Kacday Iyo Daraasiin Ka Mid Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Xalane Oo Laga Helay COVID-19

Lahaanshaha sawirka Getty Images Iyada oo la raacayo cabirrada waajibka ah, waxaa wanaag ah in dadka dhintay la siiyo macsalaameyn sharaf leh, isla sida oo kalena laga fogaado is-qaadsiinta

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in dhimashada xannuunka Coronavirus oo ay soo baxeen kiisas cusub, kuwaas oo kordhiyay tirada dadka qaba xannnuunka.

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Foosiya Abubakar Nuur, ayaa Warbixin ay soo saartay maanta, waxay ku xustay inay hal qof ku kordhay dhimashada cuddurka, isla markaana ay jiraan 35 qof oo kiisas cusub ah, kuwaas oo sida ay sheegtay 25 ka mid ah ay rag yihiin, halka 10 kale ay yihiin haween.

Marwo Foosiya, waxay sheegtay in tirada guud ee kiisaska cuddurka Coronavirus ee gudaha Soomaaliya noqonayso 1,046 xaaladood, halka dadka ka bogasaday gaadhayaan 121 qof, iyadoo dhimashada uu sababay xanuunkaas inta la ogyahay ee la diiwaan geliyay  ay gaadhayso 48 qof.

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Foosiya Abubakar Nuur, ayaa sheegtay in tirada guud ee caabuqa Coronavirus ee COVID-19, ay gaadhay  heer muujinaya in xannuunku ku faafayo Bulshada, sidaa awgeed waxay ugu baaqday dadweynaha in ay raacaan tallooyinka la siiyay ee caafimaadka iyo guddida la tacaalay sidii loo xakamayn lahaa faafitaankiisa.

 Dhinaca kale, Wargeyska The East African, ee kasoo baxa dalka Kenya, ayaa warbixin uu daabacay ku xaqiijiyey in 37 ka tirsan Ciidamada AMISOM, ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya oo ku sugan xerada weyn ee Xalane ee Magaalada Muqdisho oo ahayd halkii markii u horreysay lagu arkay xannuunka COVID-19, gudaha Soomaaliya uu ku dhacay cuddurka COVID-19, kuwaas oo intooda badani ka soo jeeda dalka Uganda marka laga reebo Toddoba ka mid ah oo u dhashay dalka Burundi. Sida lagu shaaciyay warbixinta Wargeyska.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post