X
    Categories: Warar

Soomaaliya :Ra’iisal Wasaare Khayre Oo Magaalada Qardho Kula Kulmay Beeldaaje Maxamed iyo Boqor Burhaan

Araweelo News Network

Boqor Burhaan, Beeldaaje Maxamed Iyo Khayre

Qardho(ANN) –Ra’iisal Wasaaraha  xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wefdi uu hogaaminayo oo gaadhay magaalada Qardho ee maamul goboleedka Punitland, ayaa la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan horumarka bulshada, nabadeynta iyo taageerada dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Soomaaliya oo soo gaadhay shebekadda Araweelo  News Network, waxay Boqor Burhaan Boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi kala hadleen Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Khayre, Isla markaana Ku dhiirri geliyeen shaqada uu hayo  ee horumarinta rejada dawladnimada Soomaaliyeed, iyaga oo u ballan qaaday in dhaqanka Puntland ay sii wadi doonaan hawlaha lagu garab istaagayo horumarinta qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

“Boqor Burhaan Boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi waan uga Mahad celinayaa Marti-soorka iyo Qaabilaadda hufan ee ay nagu qaabileen aniga Iyo Wafdiga ila socda”, ayuu ku yidhi,  Ra’iisal Wasaare Khayre qoraalka kasoo baxay xafiiskiisa.

Ra’iisal Wasaaraha iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa aad loogu soo dhaweeyay Qardho iyada oo wadooyinka ay isugu soo baxeen bulshada ku nool magaalada iyo hareeraheeda oo ku dhawaaqayay hal-kudhigyo ay ku ammaanayaan hoggaanka dawladda Federaalka ah iyo wax-qabad ballaadhan oo ay sheegeen in ay la timid Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisal Wasaare Khayre.

Ra’iisal Wasaaraha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah kusoo gaadha Qardho ayaa ku ammaanay bulshada ku nool magaalada Qardho iyo dhammaan Puntland soo dhawayta ay ka muuqato jacaylka horumarka iyo Dawladnimada.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post