Araweelo News Network
Qardho(ANN) –Ra’iisal Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wefdi uu hogaaminayo oo gaadhay magaalada Qardho ee maamul goboleedka Punitland, ayaa la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan horumarka bulshada, nabadeynta iyo taageerada dawladda Federaalka ee Soomaaliya.
Sida lagu sheegay Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Soomaaliya oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, waxay Boqor Burhaan Boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi kala hadleen Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Khayre, Isla markaana Ku dhiirri geliyeen shaqada uu hayo ee horumarinta rejada dawladnimada Soomaaliyeed, iyaga oo u ballan qaaday in dhaqanka Puntland ay sii wadi doonaan hawlaha lagu garab istaagayo horumarinta qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.
“Boqor Burhaan Boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi waan uga Mahad celinayaa Marti-soorka iyo Qaabilaadda hufan ee ay nagu qaabileen aniga Iyo Wafdiga ila socda”, ayuu ku yidhi, Ra’iisal Wasaare Khayre qoraalka kasoo baxay xafiiskiisa.
Ra’iisal Wasaaraha iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa aad loogu soo dhaweeyay Qardho iyada oo wadooyinka ay isugu soo baxeen bulshada ku nool magaalada iyo hareeraheeda oo ku dhawaaqayay hal-kudhigyo ay ku ammaanayaan hoggaanka dawladda Federaalka ah iyo wax-qabad ballaadhan oo ay sheegeen in ay la timid Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisal Wasaare Khayre.
Ra’iisal Wasaaraha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah kusoo gaadha Qardho ayaa ku ammaanay bulshada ku nool magaalada Qardho iyo dhammaan Puntland soo dhawayta ay ka muuqato jacaylka horumarka iyo Dawladnimada.
–DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya