X
    Categories: Warar

Soomaaliya: Ra’iisal Wasaare Khayre Oo Ka Degey Dhuusamareeb

Dhuusamareeb(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ,ayaa gaadhay magaalada Dhuusamareb ee xarunta Galmudug, halkaas oo ay hoggaamiyayaasha maamul gobolleedyada ku shirayay shalay kasoo saareen baaq ay u direen Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha si looga tashado arriimaha doorashada ee muranku ka taagan yahay.

Ra’iisal wasaare Khayre oo ajiibay baaqa hoggaamiyayaasha ku shiraya dhuusamareeb, ayaa hore u sheegay inuu doonayo inay doorashadu ku dhacdo waqtigeeda, balse tafaasiil kama bixin nooca ay noqonay doorashada uu sheegay.

Dhinaca kale, waxa markaa kaddib hadalka Ra’iisal wasaare Khayre kasoo baxay Villa Somalia qoraal Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sheegayo in loo baahanyahay in doorashadu ku dhacdo xilligeedii, isagoo tilmaamay in la raaco dastuurka dalka, taas oo aannu sharaxaad ka bixin sida ay suurtagal u noqonay in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod (One Person One Vote).

uu isna tegi doono Dhuusamareb sidii ay horey martiaaadka ugu fidiyeen madaxda maamul goboleedyada.

War-murtiyeed kasoo baxay shir ay madaxda maamul gobolleedyada ee shalay, ayaa lagu sheegay in xilligan aannay dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, taasi oo ka duwan habka doorasho ee uu ka shaqaynayo guddida madaxa-banaan ee doorashooyinka qaran, kuwaas oo dhowaan sheegay in aannay macquul ahayn in ay xilligan ka qabsoonto Soomaaliya, sidaa awgeed waxay soo jeediyeen in muddada loo kordhiyo.

Akhri: Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Madaxda Maamul Gobolleedyada Soomaaliya?

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post