X

Soomaaliya Oo Xayirtay Toddoba Ka Mid Ah Tobban Dal Oo Deeqo Waxbarasho Siin JIray Ardayda Somaliland

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif iyo Xildhibaan Axmed Xasan Cali Casoowe, Image Araweelo News Network. 12 December 2021.

Araweelo News Network.

Warbixin Laga Akhriyay Gollaha Wakiillada oo waxyaabo baddan kashiftay

Hargeysa(ANN)-Xildhibaan Axmed Xasan Casoowe, oo ah guddoomiye ku xigeenka guddida joogtada iyo anshaxa ee gollaha wakiillada Somaliland, ayaa warbixin uu ka jeediyay fadhigii gollaha kaga hadlay dhibaatooyin carqalado soo waajaahay deeqihii waxbarasho ee Ardayda Somaliland ka heli jireen toddoba dal oo aduunka ah.

Guddoomiye ku xigeenka guddida xildhibaan Axmed Xasan Casoowe, wuxuu sheegay dawladda federaalka ee Soomaaliya xanibtay deeqaha waxbarashada ee Ardayda Somaliland ugu bixi jireen toddaba dal oo ka mid ah tobban dal oo ay Somaliland ka heli jirtay deeqahaa.

“Deeqaha waxbarashadda ee dibada waxa ina siin jiray 10 waddan oo kala ah, Sudan, Kenya, Uganda, Masar, Yemen, Libiya, Turkey, Maleysiya, Ethiopia, Taiwan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, deeqaha waxbarasho waxaa carqaladeeyay Dowlada Faderalka Soomaliya” ayuu yidhi Casoowe.

”Guddida Tacliinta sare, waxay ku doodday in deeqihii layna siin jiray, dalalka imika toos aynu deeqaha waxbarasho uga helnaa ay kusoo urureen, Ethiopia, Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo  Taiwan”ayaa lagu yidhi, warbixinta.

Guddoomiye ku xigeenka guddida xildhibaan Axmed Xasan Casoowe, waxa uu warbixintaa ku sheegay in ay kulamo la yeesheen Guddida Doorashooyinka Somaliland, guddida talcliinta sare, wasiirka wasaaradda Cafimaadka, Maareeyaha Dekeddaha iyo sidoo kale qaar ka mid ah ganacsatada dalka.

Hase yeeshee Wasiirka Gancsiga iyo Dalxiiska Maxamed Saajin, ayaa ka muquurtay balantii ay guddidu la lahayd, iyagoo doonayay in mushkiladaha sicir-bararka iyo qiimaha maceeshada oo si weyn kor ugu kacay.

Guddoomiye Axmed Xasan Cali Casoowe, wuxuu sheegay in Guddidu muddadaa ay soo diyaariyeen Xeerka anshaxa ee gollaha wakiillada Somaliland.

Warbixinta, wuxuu  Xildhibaan Casoowe  kaga hadlay waxyaabo baddan oo guddidu kusoo ururisay warbixintaa iyo waxyaabaha ay kala kulmeen masuuliyiinta ay la kulmeen muddadii golluhu xidhnaa.

Warbixinta Oo Dhamaystiran Daawo

https://youtu.be/DbhdHsu_nmU

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post