X

Soomaaliya Oo Xabsiga U Taxaabtay Ciidamo Maraykanku Ku Bixiyay Tababarkooda 100 Milyan 

Secretary of Defense Lloyd J. Austin II iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, Image Twitter, 25 Sep 2023.

 

Fadeexadda Soo Waajahday Xidhiidhka Maraykanka iyo Soomaaliya, Sidee U Saamaynay loollanka Doorashadda Maraykanka?

ku akhri laba daqiiqo

#Araweelo_News_Network.

Muqdisho(ANN)- Dawladda Federaalka ee Somaliya, ayaa Xabsiga u taxaabtay Ciidamo Maraykanku ku bixiyay tababarkooda lacag gaadhaysa $100 Milyan.

 

Ciidamada xabsiga loo taxaabay, ayaa ah kuwa ay dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku dhaadato ee Unugga Danab, kuwaas oo muhiim u ah dadaallada uu Maraykanku taageerayo Soomaaliya.

Dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa Maraykanka ka heshay lacag ka badan $100 milyann, taas oo qayb ka ah dhismaha saldhigga Millateri ee
Maraykanku ku doonayo in uu la sameeyo ilaalinta amniga Soomaaliya, iyadoo Unugga Danab loo sameeyay si looga hortago shilalka mustaqbalka.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigganaysa saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay shaqada ka joojisay oo ay xidhay dhowr xubnood oo ka tirsan ciidamada Kumaandooska ee uu Maraykanku tababaray, kuwaas oo xaday raashiin ay dowladda Maraykanku siisay, iyadoo intaa ku dartay in ay la wareegayso mas’uuliyadda bixinta  taakuladda ciidanka.

Unugga Danab ayaa ahaa tiir muhiim u ah dadaallada Maraykanka uu taageerayo ee lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab ee xidhiidhka la leh Al-Qaacida. Maraykanka ayaa bishii February oggolaaday in uu dhaqaalle ka baddan $100 milyan oo doolar ku bixiyo si loogu dhiso ilaa shan saldhig oo ciidamada Danab loo qorsheeyay.

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay galinkii dambe ee Khamiista ku sheegtay inay saaxiibada caalamiga ah ku wargeliyeen xatooyada, ayna la wadaagi doonaan natiijada baadhitaankooda.

Hase yeeshee, Sarkaal Maraykan ah ayaa ku sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Washington ay si dhab ah u qaadato dhammaan eeddaymaha musuqmaasuqa, maadaama ay dhaqaallaha intaa leeg ku bixisay tababarka iyo dhismaha Ciidanka Danab.

 

“Waxaan rajaynaynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista ilaalinta lagama maarmaanka ah iyo tillaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago dhacdooyinka mustaqbalka ee saamayn kara gargaarka mustaqbalka,” ayuu yidhi sarkaalka, isagoo aan si toos ah uga hadlin in innay jirto in Maraykanku joojiyay taageerada uu siinayo dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

 

Maraykanka ayaa sanadkii 2017, ogolaaday in uu gacan ka gaysto tababarida iyo qalabaynta 3,000, oo Askari oo ka tirsan Danab si ay uga fal-celiyaan weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab. Kooxdan ayaa tan iyo sannadkii 2006, waxay waday kacdoon ka dhan ah dowladda dhexe
Danab, sidoo kale, waxay tan iyo sanadkii 2022, si weyn ugu lug lahaayeen guluf Millateri oo ay qaadeen ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedyo isbahaysi la ahaa, kuwaas oo markii hore ku guulaystay in Al Shabaab ay ka qabsadaan deegaano ka tirsan badhtamaha Soomaaliya.

Olollahan ayaa noqday mid xagal daac weyn ku yimi oo u muuqda inuu fashilmay, iyadoo ciidamada huwanta dowladda ay la daalaa dhacayaan sidii ay dhulka miyiga ah gacanta ugu dhigi lahaayeen, waxaana Al -Shabaab ay sii wadaan weeraro waaweyn oo ay ka mid tahay Caasimadda Muqdisho, taasoo abuurtay dareen lagu saadaalinayo innay Al-shabaab dib usoo xoogaysanay sida dhacday marar baddan oo hore, wallow gulufkan uu ahaa kii ugu weynaa ee sababay in laga qabsado deegaamo baddan.

Si kastaba aha haatee, fadeexadan ayaa ayaa u muuqata mid saamayn ku yeelanay xidhiidhka Maraykanka iyo dawladda Federaalka ee Soomaaliya, taas oo xilligan saamayn dhanka loollanka doorashadda ku yeelanay Madaxweyne Biden marka la gaadho xilliga kaabnaynka doorashada oo la saadaalinayo in tartan addag uu waajahayo xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxweyne Biden  iyo Xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweynihii hore Trump.

 

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: AraweeloTv

@araweelonews

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

Archive.araweelonews.com

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post