X
    Categories: Warar

Soomaaliya Oo Ku Biirtay Suuqa Bariga Iyo Koofurta Afrika (COMESA)

Araweelo a News Network

Muqdisho(ANN) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta magaalada Lusaka ee dalka Zambia kaga qayb galay kulan madaxeedka 20-aad ee wadamada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ayaa saxeexay xubinnimada Soomaaliya ee suuqaa.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha dawladda Soomaaliya oo soo gaadhay shebekada Araweelo News Network, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxda ka qayb gashay kulan madaxeedka ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisal Wasaare Khayre ku-biiridda Soomaaliya ee suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, iyaga oo u ballan qaaday in ay babar istaagayaan dedaallada Soomaaliya ay dib ugu soo ceshanayso maqaamkii ay ku lahayd adduunka.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa u hambalyeeyay xoghahaya cusub ee loo doortay in ay hogaamiso COMESA, Ms. Chileshe Kapwepwe oo xilka kala wareegtay xoghayihii hore Mr. Sindiso Ngwenya.

Suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika (COMESA) oo la’aasaasay December 8, 1994 ayaa dhiiri geliya koboca dhaqaalaha gobalka iyada oo loo marayo ganacsi iyo maal gashi, waxa ayna ku biiritaanka Soomaaliya kaabaysaa qorshayaasha lagu dardargelinayo koboca iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka,” ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka.

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaare khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia, wuxuuna ku dhiirri geliyay in ay ka qayb qaataan qorshaha horumarinta dalka. Sida lagu sheegay qoraalkaa Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee Muqdisho.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post