Araweelo a News Network
Muqdisho(ANN) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta magaalada Lusaka ee dalka Zambia kaga qayb galay kulan madaxeedka 20-aad ee wadamada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ayaa saxeexay xubinnimada Soomaaliya ee suuqaa.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha dawladda Soomaaliya oo soo gaadhay shebekada Araweelo News Network, ayaa u qornaa sidan:-
“Madaxda ka qayb gashay kulan madaxeedka ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisal Wasaare Khayre ku-biiridda Soomaaliya ee suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, iyaga oo u ballan qaaday in ay babar istaagayaan dedaallada Soomaaliya ay dib ugu soo ceshanayso maqaamkii ay ku lahayd adduunka.
Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa u hambalyeeyay xoghahaya cusub ee loo doortay in ay hogaamiso COMESA, Ms. Chileshe Kapwepwe oo xilka kala wareegtay xoghayihii hore Mr. Sindiso Ngwenya.
Suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika (COMESA) oo la’aasaasay December 8, 1994 ayaa dhiiri geliya koboca dhaqaalaha gobalka iyada oo loo marayo ganacsi iyo maal gashi, waxa ayna ku biiritaanka Soomaaliya kaabaysaa qorshayaasha lagu dardargelinayo koboca iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka,” ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka.
Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaare khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia, wuxuuna ku dhiirri geliyay in ay ka qayb qaataan qorshaha horumarinta dalka. Sida lagu sheegay qoraalkaa Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee Muqdisho.