X

Soomaaliya Oo Djibouti Ugu Baaqday In Raaligelin Laga Bixiyo Warbixinta Laga Soo Saaray Khilaafkii U Dhexeeyay Kenya

Araweelo News Network.

#Kenya dhankeeda ka hadashay warbixinta ka cadhaysiisay Soomaaliya

 

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ganafka ku dhifatay go’aan ay soo saareen guddida Urur goboleedka IGAD u saareen khilaafka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

Wasiirka warfafainta dawadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa ku tilmaamay  warbixitanka guddida IGAD, mid aan dhex-dhexaad ahayn oo  dhinac ah.

 

Wasiir Dube, ayaa sheegay in guddiga xaqiiqo raadintu aannay booqan dhinaca Soomaaliya ee xuduudda u dhexaysa labada dal, wuxuuna si cad u sheegay in warbixintaasi ay dhaawacayso walaaltinnimada labada dal ee Soomaaliya iyo Djibouti, isagoo ugu baaqay guddiga inay ka noqdaan warbixinta,, isla markaana raali gelin ka bixiyaan.

Guddida oo dhawr xubnood oo ka mid ah ay yihiin kuwo u dhashay dalka Djibouti, ayaan weli ka jawaabin hadalka kasoo yeedhay dawladda Soomaaliya ee ku baaqaya in raali gelin laga bixiyo warbixintaa.

Dhinaca kale, Dawladda Kenya ayaa dhankeeda soo dhowaysay warbixinta guddida. Kenya waxayna sheegtay in warbixintu ay caddeyn u tahay in eedeymaha Soomaaliya ay ka dhanka ah Kenya ay yihiin kuwa aan sal lahayn.

Sidoo kale, Kenya intaas ay ku dartay inay caddeyn u tahay in go’aanka ay Soomaaliya xidhiidhka ugu jartay Kenya uu ahaa mid aan qiil lahayn oo saameyn taban ku yeeshey Soomaalida adeegyada iyo gargaarka kale u raadsan jiray dalka Kenya, howlgalka Amisom iyo nolosha shacabka labada dalba waxay sheegtay Kenya inuu saamayn ku yeeshay go’aanka ay Soomaaliya xidhiidhka ugu jartay Kenya.

Guddida IGAD, ayaa hawsha loo xilsaarayy kaddib kulankii hoggaamiyayaasha IGAD ee ka qaybgalay shirkii ka dhacay dalka Djibouti,Dec 20th, 2020 , kuwaas oo ka kooban lix xubood oo ka socda dalka  Djibouti oo ay ku jiraan safiirro iyo saraakiil ciidan, iyo xubin kale oo ka socdaUrur goboleedka IGAD.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post