X
    Categories: Warar

Soomaaliya Oo Diyaarad Gargaar Siday  Lagu Weeraray

Muqdisho(ANN)- Diyaarad siday gargaar caawimo, ayaa lagu weeraray deegaanka Qansax-dheere ee Bay iyo Bakool ee Soomaaliya, waxaana soo gaadhay khasaare fududu, kadib markii la huwiyay tacshiirad rasaas ah.

 

Diyaarada ayaa ka mid ahayd Diyaaradaha ay kiraystaan Hay’adda Qaramada Midoobay ee ka hawlaga Soomaaliya, iyadoo sida ay wararku sheegayaan Diyaarada la weeraray ahayd mid siday sahay gargaar oo ay deegaankaa u waday Hay’adda WFP, balse waxa la rasaaseeyay xilli ay doonaysay in ay ku degto garoonka diyaarada ee magaalada Qansaxdheere halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamo Ethiopian ah.

Diyaarada, ayaa khasaare fudud soo gaadhay, waxayna markii ay dejisay sahaydii ay siday usoo laabatay dhanka Magaalada Muqdisho, mana jirto cid sheegatay falkaa, balse idaacadda VOA ayaa sheegtay in Sarkaal  ka mid ah saraakisha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed u sheegay VOA in loo malaynayo in Al-Shabaab ay rasaasta ku fureen diyaaradda.

Hase yeeshee warar lagu baahiyay boggaga warbaahinta ee taageera Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in Diyaarada ay rasaasta fudud ku rideen Ciidamada Ethiopia ee ku sugan deegaankaa, balse xukuumadda Ethiopia ayaan ka hadlin arrintaa, mana jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya cidda weerarka ku qaaday Diyaarada.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay iyo Hay’adda WFP, ayaan ka hadlin arrintaa.

 

Horraantii bishan ayay ahayd markii ciidamada Ethiopia ay soo rideen diyaarad siday gargaar oo doonaysay in ay ku degto garoonka magaalada Bardaale ee Baay iyo Bakool halkaas oo ay ku burburtay diyaaradu, isla markaana ay ku dhinteen lix qofood oo saarnaa.

 

 

Ciidamada Ethiopia, ayaa markii dambe qirtay in ay iyagu soo rideen diyaarada, waxayna ku doodeen in ay uga shakiyeen in diyaarada ay weerar kusoo qaaday oo ay leedahay Al-Shabaab

 

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post