X
    Categories: Warar

Soomaaliya Oo Balanqaaday In Aan La Aqbalayn Dhibaato Warfidiyeennada Loo Geysto

Ra'iisal wasaare Xasan Cali Khayre oo la kulmay Christophe Deloire xoghayaha guud ee weriyayaasha aan xudduuda lahayn iyo saraakiil kale.

‘Warfidiyeennadu waa nndhaha Bulshada mana aqbalayno in dhibaato loo geysto’ Khayre

Paris(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Paris kulan kula qaatay xoghayaha guud ee weriyayaasha aan xudduuda lahayn, Christophe Deloire.

Kulanka dhex maray Ra’iisal Wasaaraha iyo Christophe Deloire oo uu goob joog ka ahaa agaasimaha Afrika ee weriyayaasha aan xuduudda lahayn, Arnaud Froger, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Khayre oo soo gaadhay shebekada Araweelo News Network, ayaa lagaga hadlay dardar gelinta dadaallada dowladdu kaga hor tegeyso, waxa lagu sheegay dhibaatooyin kooxaha argagaxisadu ay ku hayaan weriyayaasha Soomaaliyeed, isla markaana waxa lagu xusay qoraalka in Ra’iisal Wasaare kulanka ka sheegay in dowladda Soomaaliyeed cidna aanay ka oggolaanayn in lagu xad gudbo warfidiyeennada oo ah indhaha bulshada.

Geba-gebadii, waxa qoraalka lagu xusay in sanadihii lasoo dhaafay ay hoos u dheceen dhibaatooyinka ay la kulmaan warfidiyeennada, waxaana dolwadda Soomaaliyeed ay dadaal xooggan ugu jirtaa sidii loo sii horumarin lahaa iyo sidii howl-wadeennada warbaahinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen amni iyo nabad gelyo buuxda oo qayb ka qaadata horumarka iyo sidii loo gaadhi lahaa himilooyinka ummadda Soomaaliyeed, aya lagu yidhi, qoraalka xafiiska ra’iisal wasaare Khayre.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post