X
    Categories: Warar

Soomaaliya Oo Ayaxa La Ugaadhsanayo Si Looga Dhigto Qusaar Bariiska Iyo Baastada Loogu Suuggeeyo


Caddaado-Gal-mudug(ANN)-Bulshada ku dhaqan deegaanka Caddaado ee Maamul goboleedka Soomaaliya ee Galmudug, ayaa ku dareeray inay ugaadhsadaan Ayaxa oo ku habsaday deegaanka, kuwaas oo aan u baahnayn in laga buufiyo.

Qaar ka mid ah Dadka Deegaanka Caddaado ee Soomaaliya oo Ayaxa Shiilay si ay uga dhigtaan Suugo, halka kuwo kalena sida Lawska u cunayaan, 19, Desember 2019, Araweelo News Network.

Dadka Deegaanka, ayaa bilaabay Ugaadhsiga Ayaxa oo noqday mid la kala boobayo, isla markaana la cunayo, taas oo abuurtay xamaasad aan hore looga arag geyiga Soomaalida oo inta badan ka qayliya marka ay arkaan Ayaxa, balse deegaanka Caddaado, wuxuu Ayaxu noqday Luws Ilaahay usoo daadiyay, waxaana shaaracyada Magaalada Caddaado lagu shiilayaa Ayaxa oo la dubayo kadibna la cunayo.


Deegaamada geyiga Soomaalida ayaan la arki jirin Ayaxa, iyadoo dhinaca dalalka Carabta iyo meelo kale oo dunida ah looga yaqaan Laws Ilaahay soo daadiyay, isla markaana aad looga isticmaalo cunistiisa oo la rumaysanyahay inuu leeyahay faa’idooyin nafaqo iyo Fiitamiino, waxayna dadka deegaanka Caddaado xilligan Ayaxa u isticmaalayaan sida Khudrada iyagoo ku cunaya Bariiska iyo Baastada, iyadoo la shiilayo.


Deegaamo baddan oo ka mid ah dhulka Soomaalidu degto ayuu ku habsaday Ayaxu waxaana kasoo yeedhaya qaylo dhaan ay ku dalbanayaan in laga caawiyo sidii looga buufin lahaa, balse deegaanka Caddaado iyo dadkeedu uma baahna gurmad lagula tacaalo Ayaxa iyo sidii looga buufin lahaa, waxayna quuteen Ayaxa oo suuqiisu xaami noqday, isla markaana la kala iibsanayo.

Qaar ka mid ah Dadka Deegaanka Caddaado ee Soomaaliya oo Ayaxa Shiilay si ay uga dhigtaan Suugo, halka kuwo kalena sida Lawska u cunayaan, 19, Desember 2019, Araweelo News Network.
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post