X
    Categories: Warar

“Soomaaliya Nimankii Horfadhiyay Maraykankii iyo Yurubtii waxaad moodaa inay ka hor kaceen” Guddoomiye Saleebaan

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Guurtida Somaliland 18 July 2020.

Araweelo News Network

Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Oo Sheegay In Aduunku Maanta Dheggaha U Furay Dheggeysiga Qadiyadda Somaliland

 

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan oo kaga hadlayay warbixin uu siiyay saaka fadhigii golaha ee mudanayaasha shirkii uu dhowaan ka qaybgalay ee ka dhacay dalka Djibouti oo uu ka mid ahaa wefdiga Madaxweynaha Somaliland hoggaaminayay ee  ka qaubgalay shirkaas oo uu sheegay inuu ahaa mid Somliland usoo hooyay guul siyaasadeed.

 

Guddoomiye Saleebaan, wuxuu sheegay in aan la odhan karin waxaynu gaadhnay guushaa, laakiin wuxuu sheegay in ay guul tahay in qadiyadda Somaliland la dheggeystay oo dheggaha loo furay.

AKHRI: Djibouti: War-murtiyeed Kasoo Baxay Shirka Guddida Heer Wasiir Ee Somaliland iyo Soomaaliya

“Mudda dheer war arrimaha dibedda oo aynu la kulanay oo ka fiicani ma jiro, tegistaa Djibouti dad diidanaa way jireen, laakiin guul ayaanu u arkaynaa, waayo? Aduunku dheggaha ayuu inaga furaysatay mudda dheer, xamar ayuun buu dheggeysanayay ee inaga laynooma jeedin, waxaasde mooda aduunkii waxba yuu inasoo dhowayne inuu goostay inuu ina dheggaysto, taasina wax yar maaha, ninamkii horfadhiyay (Soomaaliya) ee Maraykankii iyo Yurubtii waxaad moodaa inay ka hor kaceen.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Saleebaan.

 

Waxa kale oo Guddoomiye Saleebaan, isagoo tilmaamaya guusha siyaasadeed ee Somaliland uga soo hoyatay shirkaa Dalka Djibouti ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya badhatmihii Jun 2020, wuxuu yidhi, “ma odhan karo guushaa ayaynu gaadhnay waxaase guul ah in layna dheggeysto oo dheggaha laynoo furay, mana aha arrin yar” Ayuu yidhi.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in la leeyahay waar tii kala taga Somaliland iyo Soomaaliya ha hadhee, wixii hore lagu heshiiyay in ay dawladda Xamar fuliso, isagoo xusay in Ethiopia ugu horaysay, Maraykanka, Yurub iyo qaramada midoobay, isla markaana ay Djibouti qayb weyn ka qaadatay in la yidhaahdo dawladda Xamar ha fuliso wixii hore loogu heshiiyay, sida uu sheegay guddoomiye Saleebaan.

Halakan Ka Daawo Guddoomiye Saleebaan oo Ka Hadlaya arrimaaha

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post