X
    Categories: Warar

Soomaaliya: Munaasibad Dawladda Qadar Kaga Dhawaaqday Dhismaha Dekedda Hobyo

Wasiiradda Dekeddaha ee Soomaaliya iyo Qadar

Muqdisho(ANN)-Wasiirka Dekeddaha ee dalka Qadar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti iyo Wasiirka Dekeddaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Marwo Maryam Aweys Jaamac, ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay dhismaha Dekedda qadiimka ah ee Hobyo oo ku taal gobolka Mudug, isla markaana usii jeeda Badweynta India.

Munaasibada lagaga dhawaaqay dhismaha dekeddaa oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, waxa goob joog ka ahaa  Ra’iisal Wasaare Khayre, ku–xigeenka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug, qaar kamid ah xildhibaannada labada gole, wasiirro iyo wasiirro ku-xigeenno ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka dekaddaha Qatar Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti, ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaadhan ee loogu sameeyo Muqdisho  Ra’iisal Wasaare Khayre iyo xukuumaddiisa, wuxuuna sheegay in dekadda Hobyo loo dhisayo habka ugu casrisan ee dekad loo dhiso, laga billaabo maantana laga howl gelayo qorshaha dhismaheeda, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.

Masuuliyiinta Qadar iyo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya kulanka Dekedda Hobyo dhismeheeda lagaga dhawaaqay 19 August 2019.

Sidoo kale, Wasiirka dekaddaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Maryam Aweys Jaamac, ayaa caddaysay in billaabidda dhismaha dekadda Hobyo ay muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumairnta dhaqaalaha dalka.

Horraantii bishii December ee sannadkii 2018,  waxay dowladaha Soomaaliya iyo Qatar magaalada Dooxa ku kala saxeexdeen heshiisyo horumarineed oo ay kamid tahay dhismaha dekadda Hobyo, waxaana xilligaas wasiirka dekaddaha Qatar, oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu ballan qaaay in dowladda Qatar sida ugu dhaqsaha badan u billaabayso mashruuca dhismaha dekaddaa.

Dhinaca kale Dekedda Hobyo oo ka mid ah Dekeddaha ugu caansan Soomaalida ee dabiiciga ah, waxayna usii jeedaa Badweynta India, isla markaana ka mid ah dekeddaha xilliyo horre la isticmaali jiray, balse xidhmay oo aan dhaqdhaaq ganacsi kajirin, waxayna intan danbe xarun u ahayd kooxo Budhac-badeed ah iyo Kaluumaysato.

Dadka deegaanka Mudug, waxay dhismaha Dekedda Hobyo u leedahay ahmiyad weyn dhanka ganacsiga iyo horrumarka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post