X
    Categories: Warar

Soomaaliya: Madaxweyne Farmaajo Oo Ra’iisal Wasaare Magcaabay Kaddib Markii Baarlamaanku Kalsoonida Kala Noqdeen Xukuumaddii Khayre

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u magcaabay si ku meel-gaadh ah inuu hawlaha xukuumadda usii wado Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaadhka ah.

Madaxwetyne Farmaajo, ayaa go’aankaa qaatay kaddib markii Gudoomiyaha golaha shacabka ee barlamaanka federaalka Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraaxmaan saacaddii la soo dhaafay sheegay in goluhu codka kalsoonida ah kala noqday xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Kheyre, isagoo ugu baaqay madaxweynaha inuu soo magacaabo ra’isul wasaare cusub.

 

Madaxweyne Farmaajo, ayaa markaa kaddib sheegay inuu aqbalay go’aanka Baarlamaanka, wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo sheegay inuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka ay xilka kaaga qadeen ra’iisal wasaare xasan cali Kheyre.

“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidaa ku yidhi, war qoraal ah oo uu soo saaray, isagoo  ku sheegay inuu si degdeg ah usoo magacaabi doono “Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah”

Madaxweynaha ayaa uga magadceliyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre “hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay” wanaagsan

Dhinaca kale, war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo, oo la xidhiidhay magcaabista ra’iisal wasaare Mahdi, ayaa lagu yidhi, sidan:- “Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku saleysan in aanu hakad gelin qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna tan iyo inta Madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisaya Xukaamad tayo leh oo sii dardargelisa xaqiijinta yididiillada shacabka Soomaaliyeed”,

Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaan wali ka hadlin xil ka qaadista lagu sameeyay, wuxuuna weli ku sugnaa markii xilka ay ka qaadayeen golaha shacabka magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu kaga qeybgalay kulankii wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb Khamiistii la soo dhaafay.

 

 

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post