X
    Categories: Warar

Soomaaliya Iyo Dawladda Talyaaniga Oo Kala Saxeexday Dhismaha Mashruuca Biyo Xidheenka Beledweyne

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxeexday mashruuca biyo-xidheenka Beledweyne 17 Oct 2020, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa heshiis la saxeexatay Dawladda Talyaaniga, kaas oo noqonaya mashruuc biyo-xidheen ah oo laga fulinayo Webiga Shabbeele ee dhexmara Magaalada Beledweyn.

 

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee Somaaliya oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

 

Mashruucan ayaa isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada Webiga, si loo yareeyo khatarta fatahaada ee webiga Shabbeelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeralayda ku xeeran. Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedka.

Saxeexa  heshiiska, waxxa goob-joog ka ahaa siihayaha Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka, iyadoo uu Dowladda Soomaaliya u xaxeexay siihayaha Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka Dowladda Talyaanigana u saxeexay Safiirkooda Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano.

 

Mashruuca, waxa lagu sheegay inay ku baxayso lix Milyan oo lacagta Yuurda ah, wuxuuna isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah, dhismaha biyo-xidheeno, dayactirka kinaalada iyo tayaynta hay’addaha qaabilsan fatahaadaha.

 

Siihayaha Wasiirka Beeraha ee dawladda Federaalka, ayaa sheegay mashruucani in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh deegaannada uu maro webiga Shabbeelle oo geysta fatahaado sababa dhimasho iyo bur-bur hantiyeed, wxuuna uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay dib u dhiska Soomaaliya. Ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka xafiiska ra’iisla wasaaraha Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post