Araweelo News Network
Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa heshiis la saxeexatay Dawladda Talyaaniga, kaas oo noqonaya mashruuc biyo-xidheen ah oo laga fulinayo Webiga Shabbeele ee dhexmara Magaalada Beledweyn.
Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee Somaaliya oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.
Mashruucan ayaa isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada Webiga, si loo yareeyo khatarta fatahaada ee webiga Shabbeelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeralayda ku xeeran. Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedka.
Saxeexa heshiiska, waxxa goob-joog ka ahaa siihayaha Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka, iyadoo uu Dowladda Soomaaliya u xaxeexay siihayaha Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka Dowladda Talyaanigana u saxeexay Safiirkooda Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano.
Mashruuca, waxa lagu sheegay inay ku baxayso lix Milyan oo lacagta Yuurda ah, wuxuuna isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah, dhismaha biyo-xidheeno, dayactirka kinaalada iyo tayaynta hay’addaha qaabilsan fatahaadaha.
Siihayaha Wasiirka Beeraha ee dawladda Federaalka, ayaa sheegay mashruucani in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh deegaannada uu maro webiga Shabbeelle oo geysta fatahaado sababa dhimasho iyo bur-bur hantiyeed, wxuuna uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay dib u dhiska Soomaaliya. Ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka xafiiska ra’iisla wasaaraha Soomaaliya