X
    Categories: Warar

Soomaaliya: Al-shabaab oo ku Hanjabay inay Dagaal Culus Kala Hortagayaan Dawladda Farmaajo

Araweelo News Network


Jilib – Soomaaliya (ANN)- Kooxda Al-shabaab ayaa ku hanjabay inay dagaal adag kala hortagi doonaan dawladda madaxweynaha cusub ee loo doortay Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
Al-shabaab ayaa boqollaal dagaalyahannadooda ka mid ah ku soo bandhigay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Xoogag tiradoodu gaadhayso 800 dagaalyahan cusub ka tirsan Al-shabaab oo dhammaystay tababar ciidan ayaa dhoolla-tus millatari oo culus ku sameeyey fagaare ku yaal degmada Jilib ee koonfurta Soomaaliya.
Dhoolla-tuska xoogagga cusub ee Al-shabaab ku sameeyeen magaalada Jilib waxa ka qaybgalay boqollaal shacabka degaankaas iyo sidoo kale saraakiil sare oo ka tirsan kooxdaas.
Masuuliyiinta ka qaybgalay bandhigga dagaalyahannada cusub waxa ka mid ah Hoggaamiyaha Guud ee Al-shabaab iyo guddoomiyaha u qaabilsan gobollada Jubbooyinka.
Saraakiisha Al-shabaab oo fagaarahaas ka hadlay, ayaa caddeeyey inay xoogaggan tababarka loo xidhay u diyaareen in ay dagaal adag la galaan dawladda cusub ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo dhowaan lagu doortay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, waxay ku hanjabeen inay weerarro culus la beegsan doonaan xarumaha dawladda taagta daran ee uu soo dhisi doono Farmaajo oo ay ku eedeeyeen inuu wato fikirka dawladaha shisheeye iyo wax ay ugu yeedheen gaalada ku soo duulay waddanka Soomaaliya ee colaaduhu naafeeyeen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post