X
    Categories: Warar

Soomaalidii U Horaysay Ee Lagu Soo Masaafuriyay Balanqaadkii Donland Trump Oo Laga Dejiyay Muqdisho

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)-Madaxweynaha Maraykanka Donland Trump, ayaa ka dhabeeyay go’aankiisii ahaa inuu masaafurinayo kumanaan qoxooti sharci la’aan ku jooga dalka Maraykanka, waxaana dafcadii u horaysay oo Soomaali ah oo lagasoo tarxiilay ay soo gaadheen magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, ayaa lagasoo dajiyay xalay ku dhawaad 100 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo dalka Mareykanka lagasoo masaafuriyay.

Dadkaa oo markii hore lagasoo dajiyay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi, ayaa lagu daadiyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo diif badani ka muuqato, waxayna qaar ka mid ah oo warbaahinta la hadlay ka sheekeeyeen dhibaatadii ay lasoo kulmeen intii ay ku sugnaayeen xabsiyada dalkaa iyo laamaha socdaalka Mareykanka.

Go’aanka lagu soo masaafuriyay dadkaa, ayaa ah mid Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump hore u ballan qaaday, isagoo xiligii ololaha kaanbaynka balanqaaday in muslimiinta soo galootiga ah uu ka Eryayo wadankiisa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post