X
    Categories: Warar

Soomaali Tooray Qudha Lagaga Jaray Xabsi Ku Yaal London

Araweelo News Network

London(ANN)-Marxuum Khadar Saalax oo kasoo Jeeday Bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan Britain, ayaa lagu dilay Xabsi ku yaal London, kadib markii ay Qoyskiisu u xidheen mushkilado uu la kulamay oo ay rumaysnaayeen inuu Xabsiga kaga badbaadyo.

Hase yeeshee Qoyska Khadar ayaa xiligan ku Jira murugo Iyo baroorciiq, markii lagu war geliyay in la dilay Wiilkoodii.

Qoyska Khadar Saalax

Sida ay sheegeen Saraakiisha Amaanku Afar qof ayaa loo xidhay dilka Khadar Saalax oo lagu dhexdilay xabsiga Wormwood Scrubs ee galbeedka London.

Dilkiisa ayaa waxaa loo adeegsaday Tooray, iyada oo booliiska ay sheegeen in dhaawacyo xunxun ay jirkiisa ka muuqdeen.
Saciid Yuusuf oo ah wiilka ka weyn Khadar ayaa sheegay in dilka dhacay uu qoyska ku reebay tiiraanyo iyo murugo. wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo nolosha rajo badan ka leh, dhowaa  ayuu guursaday, waxaana loo hayay hal wiil” ayuu yidhi Siciid oo ah marxuumka walaal kii.

xabsiga Wormwood Scrubs

Waxa uu intaas ku daray in 7 jeer toorida lagu dhuftay wiilka.
Xabsiga oo la dhisay xiligii boqoradii Victoria ayaa waxa uu qaadaa 1,279 maxbuus. Hadda waxaa ku jirta 1,131 maxbuus.

Rabshadaha xabsiga gudihiisa ka jira ayay dowladda la tacaalaysaa sidii ay u xakamayn lahayd, afhayeen u hadlay wasaaradda caddaaladana waxa uu sheegay in lasoo kordhinayo nidaamyo cusub oo looga hortago rabshadaha ka dhaca xabsiyada.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post