X
    Categories: Warar

Soomaali Laga Sii Daayay Xabsiyada Tanzania

Araweelo News Network

Darasalaam(ANN)-Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Mudane Maxamed Xasan Cabdi ayaa xaqiijiyay in Xabsiyadda dalkaa laga soo daayay dad Soomaaliyeed oo ku dhibaateysnaa, kuwaas Oo mudda dheer ku jiray Xabsiyada dalkaa.

Ambassador Maxamed Xasan, ayaa sheegay in dadkaasi ay gaadhayaan 20 qof oo ay ku jiraan 4 carruur ah.

Sida uu sheegay Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ku jiray xabsiyo ku yaalla Magaalooyinka Taanga iyo Lindi ee Dalka Tanzania, balse  kulan uu safiirku la qaatay wasiirka arrimaha gudaha Tanzania Mwiguli Najambe iyo Xuseen Baashe oo ah xildhibaan reer Tanzania ah oo asalkiisu Soomaali yahay, ayaa lagu guuleystay in la sii daayo dadka soomaaliyeed oo ku xukunnaa xabsiyo u dhexeeya 3 bilood ilaa 3 sano.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee laga sii daayay xabsiyada Tanzania ayaa la filayaa inay maanta soo  gaadhaan magaalada Muqdisho.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post