X
    Categories: Warar

Soomaali Ku Guuleystay Tartanka Qur’aanka Kariimka Ah Ee Lagu Qabtay Magaalada Dubai

Araweelo. News Network

Wiilka Soomaaliga ah ee Xaafidka ah oo Jaaizada la gudoonsiinayo

Dubai(ANN)-Wiil Soomaalia ah oo magaciisu yahay Axmed Burhaan Maxamed oo ka qaybgalay tartanka Quraanka Kariimka ah, ayaa ku guuleystay kaalinta koowaad ee tartanka  caalamiga ah ee Qur’aanka Kariimka oo lagu qabtay magaalada Dubai ee Xarunta dalka isku tagga imaaraatka Carabta.

Wiilkaa oo ah Xaafidul Qur’aanka ayaa la tartamay. Isla markaana  ka guulaystay  104 qof oo metelayay wadamaa caalamka islaamka iyo jaaliyadaha muslimiinta ee ku dhaqan dalalka reer galbeedka.

Tartanka oo lagu bixinayay Jazaa’iso caalami ah waxaa goob joog ka ahaa Axmed Bin Max’med Bin Raashid Aala Maktuum oo ah xaakimka Imaarada Dubai.

Axmed Burhaan Maxamed oo ah Soomaali 16  jir  ah balse ku koray Dalka Mareykanka, halkaana  wax ku bartay ayaa soo bandhigay tartan xiisa leh, xaafidka oo kelmad  ka jeediyay munaasabaddii abaalmarrinada lagu qeybinayay ayaa sheegay in uu noqon doono safiirka muslimiinta ee wadanka Mareykanka.

Axmed Burhaan Maxamed

Xaafidkan Soomaaliga ah oo haysta dhalasho Mareykan ah. ayaa abaalmarin u helay lacag dhan Dh250,000 oo u dhiganta $68,000 ( sideed iyo Lixdan kun oo dollar).

Sidoo kale Mukarar Xamza Albashiir oo ka socday dalk Liibiya ayey kaalinta koowaad islagaleen Axmed Burhaan halka kaalinta labaad uu galay Mukarar Muxamed Bin C/qaadir Mucarraf oo ka socday dalka Tuunis, kaalinta tobanaad ee ugu dambeysa waxaa galay Mukarar Jowhar Cabdullaahi Muxamed oo ka socday dalka Ethiopia.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post