X
    Categories: Warar

Soomaali Ku Dhimatay Xabsi Ku Yaal Dalka Yemen

Mukulla-Yemen(Arraweelo News)Xabsi ku yaal Koonfurta dalka Yemen waxa  ku nafwaayay 11 qof oo Soomaali ah. Kadib markii ay lasoo derestay xaalad  Caafimaad-daro. Dadka ku xidhan Xabsigaa oo ku yaal Magaalada Dekeda ah ee Mukulla oo ku taal gobolka dhinaca Konfurta Yemen ee Xadramuut ayaa gaadhaya 56 qof.

Maxkamad kutaal Mukalla ayaa muwaadiniintaa Soomaalida ah ku ridday xukunno kala duwan, waxaana lagu eedeeyay denbiyo la xidhiidha Budhacad-badeed iyo Tahriibiyayaal, kuwaas oo qaarkood laga qabqabtay xeebaha dalka Yemen.

Mid ka mid ah Soomaalida ku jirta xabsigaa ayaa u sheegay warbaahinta in Meydadka afar soomaali ah laga saaray xabsiga, isagoo walaac ka muujiyay xaalada ay ku sugan yihiin dadka ku jira xabsigaa, wuxuuna sheegay in aanay jirin cid u hadlay oo ka waramay xaaladooda.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dhowaan weerar koox hubaysan kusoo qaadeen xabsigaa ay ku dhinteen maxaabiis ka mid ahaa dadka xabsiga ku jiray.

arraweelo.com@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post