X

Sool Masuul Iska Casilay Xilka Madaxweyne Biixi U Magcaabay

Araweelo News Network.

Laascaanood(ANN)-Badhasaab ku xigeenkii gobolka Sool, Maxamed Aadan Cumar, ayaa isla casilay xilkii uu hayay, isagoo sabab uga dhigay dilalka kusoo noq-noqonaya xarunta gobolka Sool oo sida uu sheegay waxba laga qab waayay.

La xidhiidha: Somaliland: Laascaanood Khasaaraha Ka Dhashay Gedoodka Dilalka Soo Noqnoqda

Badhasaab ku xigeenka Sool, ayaa la hadlay warbaahinta, wuxuuna isagoo sababaynaya is casilaadiisa yidhi, ” Mudane Madaxweyne annigoo kaaga mahad celinaya xilka aad igu aamintay ee ii magcawday iyo fursada aad i siisay, waxaan kula socod siinayaa in maanta oo taariikhdu tahay 28 December 2022, in aan iska casilay xilka Badhasaab ku xigeenka.” ayuu yidhi.

Masuulka iska casilay xilka, ayaa sheegay in aannay mudnayn inuu kursiga isku dhejiyo, balse isagoo ixtiraamaya dareenka dadkiisa , oo aan u sheegayn been, isagoo aan waxba u qaban karin inuu go’aansaday inuu xilkaa iska casilo.

Laxidhiidha: Laascaanood: Dadweynaha Oo Ka Gedooday Dilalka Soo Noqnoqoda

“Dadkayga annigoo aan waxba u qabankarin gobolka Sool waxa muddooyinii u danbeeyay, ama labaatankii sannadood ee u danbeeyay waxa ka dhacayay dilal, sidaa awgeed waxaan u sheegayaa Madaxweynaha annigoo uga mahadcelinaya inaan xilkaa iska casilay.” ayuu yidhi.

Dadka reer Sool waxay u baahan yihiin in ay xukuumadda ku yeeshaan metelaad sax ah, ayuu raaciyay.

Is Casilaada Badhasaab ku xigeenka, ayaa kusoo beegantay maalin kaddib markii xarunra gobolka Sool ee Laascaanood uu ka dhacay dil, taas oo sababtay in dadweyneha oo ka cadhaysan dilalka soo noq-noqda ee xarunta gobolka Sool meela fooda loo saarain, iyadoo in ka baddan 80 qof oo masuuliyiin iyo haldoor ah lagu dilay laga soo bilaabo sannadkii 2009, markii Magaalda Laascaanood lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Somaliland, Col. Osman Yusuf Noor (Af-Qurux).

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post