Khilaafka Dallada SONYO, ayaa salka ku hayay kala qaybsanaan la xidhidha cidda noqonay hoggaanka Ururka, iyadoo lagu kala qaybsamay laba guddoomiye oo u tartamayay hoggaaminta Ururka, waxayna natiijada khilaafka Dallada SONYO oo lala xidhiidhiyay caadifad iyo saar qabiil sababtay in labada garab mid walba maanta dhinaciisa u qabsado shirweyne ay ku sheegeen inay hoggaan ku doorteen, iyadoo labada dhinac mid walba iclaamiyay hoggaan cusub.
Kala qaybsanaanta iyo khilaafka labada garab ee SONYO u kala jabtay, waxay meesha ka saartay mustaqbalka iyo rajadii laga qabay inay xaliyaan khilaafkooda oo ay dhinac u wada jeestaan, balse waxay mareen wadadii bur-burka.
Dallada SONYO oo ka mid ah Ururadda Bulshada Somaliland kuwa ugu magaca weyn, isla markaana muddo ku dhowaad tobaneeyo sannadood soo jirtay, waxaana xubno ka ah Ururo gobolada dalka oo dhan oo ah kuwa dhalinyarada, SONYO, waxay muddooyinkan danbe ee Xukuumadda Madaxweyne ku dartay Miisaaniyadda oo loo raaciyay Bajat kab ah, waxaana loo dhisay Dhisme weyn oo dhowaan magaaalada hargeysa xadhiga lagaga jaray.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com