X
    Categories: Warar

Somtel-Somalia oo daahfurtay saamiyadeeda iyo Addeegyo Casri ah

Muuqaalka Furitaanka Saamiyada Somtel ee Muqdisho

Muqdisho, Somalia (ANN)-Waxaa Axddii, 4 November,  si rasmi ah looga daahfuray magaalada Muqdisho qaybtii KOWAAD ee saamiyada shirkadda isgaarsiinta ee SOMTEL, iyo ballaadhinta addeegyada kale ee SOMTEl, sida Internetka oo 3G iyo 4Gba leh iyo addeega eDahab.

Maxamed Siciid Ducaale Mulkiilaha iyo Aasaasaha Somtel iyo Dahabshiil Group

Waa markii u horreysey ee saamiyada shirkadda Somtel loo bandhigo ganacsatada iyo dadweynaha. Saamiyada maanta la daahfuray, waxa ay bar-bilow iyo astaanba u yihiin horumarinta adeegyada macmiilka ee ay horeba ugu caan baxday SOMTEL iyo shirkaddaha kale ee ay mataanaha yihiin ee Dahabshiil Group.

Waxa addeegyada Internetka oo xawaare sare leh uu gaari doonaa markii u horreysey goobo badan oo aan hore u heli jirin.

Sidoo kale, waxa ay heli doonaan adeegyada eDahab oo u fududayn doona fursado badan oo ku-adeegasho iyo maalgelinba leh.

Hassan Abdi Awed

Addeegyada casriga ee maanta la daahfuray waxa ay, guud ahaanba, macaamiisha iyo bulshadaba ka kaabi doonaan kobcinta dhaqaalaha ku kala socda moobillada iyo Internetka ee ‘eCommerce’.

Guddoomiyaha iyo Aasaasaha shirkaddaha Dahabshiil, Maxamed Siciid Ducaale, oo xafladda daahfurka ka soo qayb galay, ayaa waxa uu yidhi: “Adeegyadan casriga ah ee maanta aynu daahfuraynaa waxa ay fursad halbowle ah siin doonaan macamiisha deegaankan ku dhaqan iyo kuwa ka baxsan ee aan fursaddan hore u helinba, iyada oo tiknoolajiyadda casriga ah ee xaawaraha sare ee Fibre Optic lagu soo kordhin doono dhowaan.

Furitaanka Saamiyada SOMTEL Muqdisho

Sidoo kale, adeegyada eDahab iyo Baanka, oo lagu hagayo dhammaan shurucda maaliyadeed iyo maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba, waxa ay macmiilka u soo dhowayn doonaan adeegyo maalgelineed iyo fursado shaqo oo aan looga maarmi-karin hawl-maalmeedka shakhsiyadeed iyo kan ganacsiba”.

Waxa daahfurka maanta ka soo qayb galay Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka dawladda Federaalka Somalia, Mahdi Guuleed Khadar, wasiirro, mudanayaal labada Gole ee Baarlamaanka, ganacsato waaweyn, hay’ddaha caalmiga ah iyo kuwa maxalliga ah, ururrada bulshada, oo ay ka mid yihiin kuwa dhaqanka, diinta iyo haweenka, iyo marti-sharaf kale oo aad u soo camiray madasha furitaanka saamiyada iyo addeegyada casriga ah ee SOMTEL.

Dhammaanba madaxdii iyo marti-sharaftii halkaa ka hadashay waxa ay ka marag-fureen in adeegyada Shirkadaha Dahabshiil ku soo biiriyeen jawiga ganacsi fursado u sahlaya macmiilka inuu helo kala-doorasho adeeg iyo qiimo oo u dan ah, isla markaana koboca dhaqaale ee gobolka door libaax ka qaadan doonaan, iyada oo teknoolajiyaddii u dambeysay ee caalamka (State of art technology) la adeegsanayo, sida Fibre Optic-ga, oo mandaqadda Bariga iyo Geeska Afrikaba u ah fursad dahabi ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post